Shirka London oo goor dhaw laga soo saaray War Murtiyeed wanaagsan “Daawo Sawirada”
Waxaa maanta Magaaladda London ee dalka Boqortooyada Britain lagu qabtay shir balaaran, oo ay ka soo qeyb galleen dhinacyada isku haaya gacan ku heynta arrimaha Soomaaliya, marka laga soo taggo kooxda Shabaab.
Shirka maanta lagu qabtay Magaaladda London ayaa waxaa ka soo qeyb gallay in ka badan konton Dowladood, kuwaa oo ay ku soo casuumtay Dowladda Britain, isla-markaana waxaa loogu baaqay inay gacan ka geystaan arrimaha Soomaaliya.
Dhinacyadii ka soo qeyb gashay Shirka London oo diirada lagu saaray arrimaha dalka Soomaaliya, ayaa waxaa si weyn looga dooday sida dhibaatada looga saari karo dalka Soomaaliya, sida dadka Somaliyeed ay u helli karaan Dowlad awood leh oo matasha iyo sidii beesha caalamka ay kaalin uga geysan laheyd arrimaha Soomaaliya.
Raa’isal Wasaaraha Dowladda Ingiriiska David Cameron, ayaa wuxuu sheegay inay gacan weyn ka geysan doonaan xalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu beesha caalamka iyo dalalka dariska uu ugu baaqay, inay kaalin ka geystaan xalka dalka Soomaaliya.
Dhamaan madaxdii ka soo qeyb gashay shirkaan ayaa waxay ajiibeen hadalka ka soo yeeray Raa’isal Wasaaraha Dowladda Ingiriiska David Cameron, waxayna dhamaantood wada sheegeen inay wax ka qaban doonaan arrimaha Soomaaliya.
Somaliland oo dooneysa inay ka go’do qeybaha kale ee dalka Soomaaliya, ayaa waxaa cadaadis xoog leh lagu saaray inay wada-hadalo la-gasho Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, waxaana loo-sheegay in caalamka uu doonaayo in Soomaaliya ay yeelato Dowlad awood leh.
26 qodobo ayaa waxaa laga soo saaray Shirka London, laakiin qodobada ugu doorka roon ayaa waxaa ka mid ah:-
In kolka la-gaaro bisha Agosto ee sanadkaan laga gudbi doono xilliga kumeel gaarka ah.
In Madaxda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya aysan sameyn kareyn muddo kordhin.
In Somaliland ay Dowladda Somaliya la-hadasho, ayna ka wada hadlaan mustaqbalkooda.
In dib loo-soo celiyo kala dambeyntii ka jirtay dalka Soomaaliya, ayna dadka Somaliyeed hellaan Dowladda matasha.
In la-xoojiyo taageerada Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
In la-adkeeyo ammaanka dalka, lagana hortaggo wax yaabaha lidka ku ah ammaanka
In la-kordhiyo taageerada uu beesha caalamka ugu yaboohaayo Dowladda Somaliya.
In dalka Soomaaliya oo idil laga hir-gelliyo hay’adaha gargaarka bili’aadanimo, joogtana laga dhiggo.





|
|


Print
