Waalidiin qir iyo qar ka joogga wiil yar oo ay dhalleen “Daawo Sawirada”

Published on Feb 22 2012 By: Dhaliye //  1,941 Reads  // Dhacdooyinka Caalamka, Wararka Somalia


Lamaane u dhashay dalka Shiinaha ayaa waxay qaati ka taagan yihiin wiil yar oo ay dhalleen, kadib markii ay soo wajahday cayil aad u baahsan, taasoo ay qaylo dhaan ka muujiyeen lamaanahaasi.

Lamaanahaan oo lagu kala magacaabo Lu Yuncheng iyo Chen Yuan ayaa waxay qaati ka taagan yihiin wiil yar oo ay dhalleen, kaasoo lagu magacaabo Lu Hao, da’diisuna ay tahay seddex sano jir, hadaba sababaha ay uga qaylo dhaaminayaan ayaa waxay ku sifeeyeen cayilka faraha badan leh ee soo wajahday.

Waxay sheegeen in markii uu dhashahy wiilkoodu yar uu miisaankiisu ahaa 2.6kg, hase ahaatee markii uu seddex bilood jirsaday ayaa wuxuu bilaabay bay yiraahdeen in uu si xowli leh u cayilo, taasoo ka dambeysay in miisaankiisu uu iminka sii caga-cageynaayo 60kg.

Wiilkaan yar oo u dhashay dalkaasi Shiinaha ayaa wuxuu si’aad ah u cunaa Bariiska, xitaa waxay waalidiintiisu ay sheegeen in uu cuno, cuno aysan labadooduba cuni kareyn, isla-markaana waxay sheegeen kolka ay isku dayaan inay cunada ka xakameeyaan ayay sheegeen in uu si’aad ah u ooynaayo.

Sidoo kale waxay sheegeen in’ay ku adag tahay mararka qaarkood inay kor u qaadaan culeyskiisa awadeed, iyagoo sheegay inay si’aad ah uga wal-walsan yihiin caafimaadkooda wiilkoodu yar.

Waxay sheegeen inay go’aansadeen inay soo socod-siiyaan, ayna geeyaan webi ku yaalla deegaanka ay degan yihiin, si uu webiga ugu dabaasho, laakiin waxay sheegeen in webiga iyo socodka ay soo socod-siiyaan uu uga daro wiilkoodu, iyagoo intaasi ku daray in amuurtaasi ay si’aad ah ula yaabeen.

Si kastaba ha-ahaatee lamaanahaan u dhashay dalka Shiinaha ayaa waxay sheegeen in rajadoodu ugu weyn ay tahay, in’ay maalin uun arkaan iyadoo wiilkoodu yar uu ka yaraado culeyska faraha badan leh, ayna arkaan wiilkoodu yar oo leh jir qurxoon.



Related posts:

  1. Daawo Sawirada waxa maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho iyo waalidiin badan oo Somaliyeed oo ooyay
  2. Wiil u dhashay Dalka Shiinaha oo noqday Wiilka Aduunka ugu Miizaanka weyn.. DAAWO SAWIRADA
  3. Wiil Taylaandhees ah Oo ku dhashay Mucjizo… DAAWO MUUQAALO
  4. Wiil dhashay isagoo leh 34-farood…!!! Daawo Sawiro
  5. Wiil Somaliyeed oo wiil kale oo somali ah ku dilay Wadanka Holland.

1 Comment

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arintaan oo runtii ah mid aad u naxdin badan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Aadan iyo Suraya, dad ku dhaw dhaw Aadan...
Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Allihi na abuurtay ayaa leh awood oo dhan kaa oo ah midka xukuma aduunka aan ku noolnahay waxa uuna awood u leeyahay in uu sameysto waxa uu doono iyo sida...
Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhakhtar u dhashay dalka Pakistan oo ka caawiyey sirdoonka dalka Maraykanka dilkii loo geystey Osama Bin Laden ayaa lagu xukumay soddon sano oo xarig ah. Shakil...
Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi ayaa wuxuu iska jaray xubintiisa taranka, kadib markii uu u baahday lacago, si’uu u helo lacagaha uu u baahan yahay ayaa wuxuu...
Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

1da April, dadka aaminsan Christianity- ga waxa ay u yaqaanaan APRIL FOOLS’S DAY{ beenta April.} waxaase in la is waydiiyo mudan maalintan maxay...