Daawo Sawirada: Raa’isal Wasaaraha Somaliya oo kullamo la-qaatay Madax kala duwan

Published on Feb 21 2012 By: Dhaliye //  369 Reads  // Wararka Somalia


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Brussels si uu kulamo ula qaato mas’uuliyiinta Midowga Yurub ayaa Isniintii kulamo kala duwan la qaatay ma’uuliyiin ka tirsan dalka Belgium, Kooxda Caalamiga ah ee Africa, Caribbean iyo Pacific (ACP) isla markaana kormeer ku tagey Safaarada Soomaalida ee Belgium iyo Hoyga Safaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku sameeyey xafiiska iyo hoyga safaaradda Soomaalida isla makraana u kuurgalay howlaha safaaradda.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa kulan si heer sare ah loo soo agaasimay la yeeshay Guddiga Safiirada ee dalalka Africa, Caribbean iyo Pacific oo ku mideysan ururka caalamiga ah ee ACP. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa halkaas ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo uu warbixin ka siiyey safiirada ACP xaaladda dalku marayo, horumarka Dowladdu ka sameysey dhinacyo fara badan sida amniga, dastuurka, dib-u-heshiisiinta & xiriirka maamulada, arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo iyo maamul wanaaga. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Somalia ay ka mid aheyd aasaasayaashii ACP, haddana la rajeynayo in Soomaaliya ay doorkii saliimka ahaa ee ay ku laheyd ACP dhowaan ka qeyb qaadan doonto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho Jaaliyadda Soomaaliyeed, isla markaana uu kulamo muhiim ah la yeelan doono madaxda Midowga Yurub oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Mr Barosso iyo mas’uuliyiin kale. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha uu khudbad taariikhi ah ka jeedin doono Golaha Ammaanka ee Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka uu dhameysto booqashadiisa rasmiga ah ee Belgium uu u gudbi doono dalka UK si uu uga qeybgalo Shirka London ee 23ka Febraayo.




Related posts:

  1. Madax kala duwan oo ka hadashay Shirka Magaaladda Garoowe “Daawo Sawirada”
  2. Wararkii ugu dambeeyay kullamo kala duwan oo maanta ka dhacay Madaxtooyada Somaliya “Daawo Sawirada”
  3. Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya oo maanta kullan balaaran la-qaatay Madaxda Somaliya + Daawo Sawirada
  4. Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya oo kullan la-qaatay Raa’isal Wasaaraha dalka Turkiga “Daawo Sawirada”
  5. Raa’isal Wasaaraha Somaliya oo shir aan caadi ahayn la-yeeshay Midowga Yurub “Daawo Sawirada”

1 Comment

  1. Adem says:

    Rasul wasar gaas wax uw uhayo umada somaliyed majirto e waxa jirta inuw nimanka ka horeyey maal mulkisa e maal mulka farmaja ay uqortey minshartka ayuw kajirta marka dan somali loga mafadhiyo e waa dhaqal don e mesha ha.iskaga tago

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arintaan oo runtii ah mid aad u naxdin badan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Aadan iyo Suraya, dad ku dhaw dhaw Aadan...
Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Allihi na abuurtay ayaa leh awood oo dhan kaa oo ah midka xukuma aduunka aan ku noolnahay waxa uuna awood u leeyahay in uu sameysto waxa uu doono iyo sida...
Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhakhtar u dhashay dalka Pakistan oo ka caawiyey sirdoonka dalka Maraykanka dilkii loo geystey Osama Bin Laden ayaa lagu xukumay soddon sano oo xarig ah. Shakil...
Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi ayaa wuxuu iska jaray xubintiisa taranka, kadib markii uu u baahday lacago, si’uu u helo lacagaha uu u baahan yahay ayaa wuxuu...
Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

1da April, dadka aaminsan Christianity- ga waxa ay u yaqaanaan APRIL FOOLS’S DAY{ beenta April.} waxaase in la is waydiiyo mudan maalintan maxay...