Odayaasha Beesha Habar Gidir oo maanta shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho iyo Madaxweynaha oo ay eedemo kulul u jeediyeen
Odayaasha, wax-garadka, aqoon-yahanada iyo qeybaha kala ee Beesha Habar Gidir ayaa waxay maanta kullan xasaasi ah ay ku yeesheen Magaaladda Muqdisho, waxayna si weyn shirkaasi ugu eedeeyeen Madaxweynaha.
Wax-garadka Beesha Habar Gidir ayaa waxay sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya uu ilaha dhaqaalaha ee Gobolka Banaadir uu faraha ka saaray Beesha uu ka soo jeedo oo kaliya, isla-markaana waxay sheegeen inuu beelaha kale ee Soomaalida uu ka qadiyay.
Waxay tilmaameyn in Madaxweyne Shariif uu ku kacay arin qiyaano leh oo aan wanaagsan, isla-markaana waxay ugu baaqeyn in si deg deg leh uu arintaan wax uga qabto, maadaama ay sheegeen inaysan ahayn mid cadaalad ah.
Beesha Habar Gidir waxay sheegtay in Beesha Habar Gidir ay iyadu kaalin xoog leh ka qaadatay sidii Madaxweyne Shariif uu ku noqon lahaa Madaxweynaha Soomaaliya, markii uu Madaxweyne noqdayna ayaa waxay sheegeen in uu wax walba faraha u gelliyay Beesha uu ka soo jeedo ee Abgaal.
Imaam C/laahi Khaliif Rooble oo shirka ay yeesheen Beesha Habar Gidir ka jeediyay hadal kooban oo dareen leh, ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu sameeyay arin wanaagsaneyn, uuna ugu baaqaayo in uu arintaasi wax ka qabto.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” uu kala qeybinaayo Magaaladda Muqdisho, isagoo sheegay in mar walba uu Madaxweynaha u jeediyo dacwado ka dhan ah Beesha Habar Gidir.
Iskusoo wada-duuboo kullankaan ay maanta iskugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee Beesha Habar Gidir, ayaa waxay ku sheegeen inaysan u dul-qaadan doonin cadaalad darada ay sheegeen in uu wado Madaxweyne Shariif.
Related posts:
- Saraakiisha Ciidamadda Amisom oo shir xasaasi ah la-yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya “Top News”
- Xarakada Al Shabaab oo dalab xasaasi ah u jeedisay Odayaasha Beesha Mareexaan “Top News”
- Madaxweynaha Soomaaliya oo kullan xasaasi ah la-yeeshay qaban qaabiyaasha banaanbaxyada
- Odayaasha, Masuuliyiinta Dowlada iyo Siyaasiyiinta ka soo wada jeeda Beesha Hawiye maanta kulan ku qaatay Muqdisho.
- Talisyada Ciidamadda Kenya iyo Amisom oo yeeshay shir xasaasi ah “Maxaa ka soo baxay”?
|
|







3 Comments
asc dhammaan asxaabta walee shariifow dad waa is yaqaan waxa aad isku dayayso inaad qiyaanto waa habar gidir waa ogtahay waa jinni arg ciddaas waa awooda dalka aniga ma ihi habar gidir lkn waa aqaan reer muqdisho ayaan dadka mooryaantooda ayaa xun lkn dad ahaan ayaga waa dad cajiib marka hadaa nabad rabto shariifow dadkaas soo dhawayso
kkkkkkkkkkkkk haaaaaaaaaaa waa run sxb wuxuu og yahay mallaha habar gidir maxamed siyaad barre oo dowlad kaxoog badan afrika aanayn jirin ayay cadaalad darro kadiideene maxaa umalaynaysaa shariif kaan tacbaan maykayeelayaan cadaalad darro mida kalla inta badan soomaalida waxay dhahaan habar gidir ayaa guryaha dowladda dagan waxaas waa been sa sababtoo ah habar gidir markii hore dalka ayaa loo diiday oo waxaa qaxiyay maxamed siyaad barre markii ay iska xoreeyeen waa ku meel gaareen guryhiii dowlada marka wax bartee guryo ayay wada dhisteen waa kuwa maamulaha shirkadda dalka runtii hadda muqdisho jaamacada dadka aqoontaleh wax ugu badan waa habar gidir marka soomaali waxay ku nacebyihiin habar gidir waa kartida ilaa ku manaytay dadka inay isdhiibaan haka sugunina ee soomaali haday nabad rabto habar gidir madax ha kadhigtaa waxaa lo,daa shariifkiisa maaqaane vmeesha ha iska ga,tago viva habar gidir
asc dhammaan walaal waxaa xusid mudan in madaxwayne shariif uu qiyaanay beeshii sharafta somaalida kor uqaaday dagaalka kalla hortagtay gumaysigii ethobia islamarkaan si ,aan kalla harlahayn ula jahaaaday
iyagoo beesha madaxwaynaha ay kudaawanaysay walaalahood dagaalkii ethobia ayagoo lasafnaa gumaysigii haddana waa og tihiim markii madaxwaynaha ladoortay inay uhiiliyeen nabadana qaaateen joojiyeena dagaalkii waxaa ayaa daraa inuu beelihii gumaysiga taageeray inuu wax walba siiyo dadkii dagaal ku hoobtayna inuu cadaaladarro kusameeyo bal fiiri waxa uu suu binayo majeerteen waxa u usaxiixayo iyo sida uu walaalhiis uladhaqamay awalba abgaal qayrleh majirro mid walba sida ciyaartoyda ayaa loo gataa waana beel ay kubadanyihiin dadka maangaabka ah rinta soosocota mo,odorasi yaqaanaa lkn waxa ay kafakaraan waxa markaas taagan fiiri waxa usaxiixay ina magaaladda muqdisho oo ay kunool yihiin 3 milyan ay xildhibaanada ka imaanaya ay lamid noqdaan kuwa kaimaanaya sanaag oo ay kunool yihiin 200 00 kun caqligaa fiiri waxa meesha nadhigaya waa abgaal lo,da lo,da dhashay