Dowladda Somaliya oo shaaca ka qaaday in goobo hor leh ay dagaalada uga qabsatay Xarakada Al Shabaab
Dowladda Soomaaliya oo dagaalo xoogan kula jirta Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay dhul hor leh ka qabsatay Xarakada Al Shabaab, iyadoo dhinaca kalana sheegtay inay dagaalada sii socon doonaan.
Gudoomiyaha Degmada Dharkiinley ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Macalin Cabdulle Cali Hilowle, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay jab xoogan gaarsiiyeen Xoogaga Shabaab.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu tilmaamay in Deegaanka Kaxda oo ay dagaalo qaraar ka dhaceyn ay hoos-timaado Degmada Dharkiinley oo uu isagu Gudoomiye u yahay, isagoo intaasi ku daray in Deegaanka Kaxda ay ka xaaqeen Al Shabaab.
“Deegaanka Kaxda waxay hoos timaadaa Degmada Dharkiinley, waxaad ogtihiin inay ka soconayaan hawl-gallo balaaran oo looga saaraayo nimanka nabadiidka ah, marka waxaan ka saarnay Kaxda oo dhan, hadana waxaan ku sii soconaa Deegaanada kale ee ku dhaw dhaw” ayuu yiri Macalin Cabdulle Cali Hilowle.
“Dagaalada way soconayaan ee nabadiidka looga saaraayo dalka oo dhan, kuwaana waxay qeyb ka yihiin dagaalada dalka looga saaraayo, Ciidamadda Dowladda waxay tagayaan Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhan” ayuu sii raaciyay masuulkaan.
Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Dharkiinley ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Macalin Cabdulle Cali Hilowle, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Dowladda Somaliya ay hawl-gallo balaaran ka wadaan Degmada Dharkiinley, isagoo sheegay in lagu xasinaayo ammaanka Degmada Dharkiinley.
Dagaaladii cuslaa ee shalay ka dhacay duleedka Magaaladda Muqdisho, ayaa waxaa dhul hor leh looga qabsaday Xarakada Al Shabaab, waxayna Al Shabaab ku goodisay inay dib u soo ceshan doonto dhulkaasi.
|
|


Print
