Daawo Sawirada: Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo kooxo Wasiiro ah oo si qurux badan leh loogu soo dhaweeyay Magaaladda Garoowe
Wefdi balaaran oo uu hogaaminaayay Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa waxay maanta gaareyn Magaaladda Garoowe ee Gobolka Nugaal, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Raa’isal Wasaaraha iyo wefdigii uu hogaaminaayay ayaa waxaa si qurux badan leh loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Garoowe ee Xaruunta Maamulka Puntland, isla-markaana waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiin uu horkacaayay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane C/Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole).
Raa’isal Wasaare Gaas oo Saxaafadda kula hadlay Magaaladda Garoowe, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay ka qeyb-qaadan doonaan Shirka Garoowe Laba oo maalinta beri ah si toos uga furman doona Magaaladda Garoowe.
Raa’isal Wasaaraha ayaa wuxuu sheegay in Shirka Garoowe Laba ay ka soo qeyb-gelli doonaan Madaxda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya sida, Madaxweynaya Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Baarlamaanka oo uu sheegay inuu shirka ka soo qeyb-gelli doono.
Shirka Garoowe Laba ayaa wuxuu daba-socdaa shirkii 24-kii bishii December lagu soo afjaray Magaaladda Garoowe ee Xaruunta Gobolka Nugaal, isla-markaana shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii Dastuur uu u yeellan lahaa dalka Soomaaliya, si looga gudbo marxalada Ku Meel Gaarka ah “Kmg”




Related posts:
- Daawo Sawirada: Raa’isal Wasaaraha Somaliya oo si qurux badan loogu soo dhaweeyay wadanka Kuwait
- Raa’isal Wasaare Gaas oo maanta si qurux badan loogu soo dhaweeyay Magaaladda Muqdisho + Daawo Sawirada”
- Daawo Sawirada: Raa’isal Wasaaraha Somaliya oo ku soo laabtay Magaaladda Muqdisho iyo si weyn oo loogu soo dhaweeyay
- Daawo Sawirada: Raa’isal Wasaaraha Somaliya oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Muqdisho
- Raa’isal Wasaaraha Somaliya iyo kooxo Wasiiro ah oo aagag dagaalada tagay “Daawo Sawirada”
|
|







1 Comment
waaw waa wabsite aan isleeyahay umada ayuu ushaqeeyaa waana wab runtii loo xiisa thnks all