Waalidiin Somaliyeed oo ku kacay fal aan wanaagsaneyn, kana kala geeyay laba aad isku jacel “Qiso xanuun leh”

Published on Feb 10 2012 By: Dhaliye //  1,278 Reads  // Wararka Somalia


Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda madaxda dalka Somaliya ee Muqdisho, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane Somaliyadeed, kuwaasoo Jaceylkoodii kusoo gaba-gaboobay bilaa natiijo. Lamaanahaan ayaa waxaalagu kala magacaa Aweys Iyo Xamdi.

Hadaba Aweys ayaa lasoo xiriiray wariyayaaasha barnaamijka Isha Dhacdooyinka Caalamka, isagoo uga waramay sidii ay wax u dhaceyn. Waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay magaaladda Marka ee gobolka Shabeeladda Hoose, sanadka markuu ahaa 1983-kii, balse waxan kusoo barbaaray magaaladda Muqdisho, anigoo hal sano jir ah bay dhimatay hooyadey, waxaan i soo korsatay Eedadey oo Aabahey la-dhalatay.

Xilli aan dhiganaayay Dugsiga Qur’aanka ayaa waxaa dareemay katoor ba’an oo uu igu haayay ninkii qabay Eedadey . Sidoo kale Xamdi waxaa dhashay Eedadey Aamina, mar walba oo aan ciishooda Xamdi waxay aheyd gabadha kaliya ee niyada ii dhisi jirtay. Xamdi aad ayay ii dhaqaaleyn jirtay, xilligaas waxaan jiray 18 sano.

Maalin ayaa waxa dhacday inaan kusoo daaho kubad anigoo ku ciyaaraayay Xeebta degmada Xamar weyne ee Suganta Liido, Nasiib darase waxaa halkaasi igu soo arkay Xamdi Aabaheyd ama ninka qaba eedadey Aamina. Wuxuu ila dhaqmay si ka baxsan wanaaga, isagoo igu dhex ceebeeyay dhalintii aan kubada la ciyaaraayay, anigoo iska careysan ayaa waxaa imid gurigii, waxaase i dareentay Xamdi oo aad ii dajisay.

Xamdi waxay i dhaqaaleyn jirtay si wanaagsan, dadka qaar-kood waxay nagu xaman jireyn, inaan nahay laba qof oo walaalo ah, balse aniga waxba maanan ogeyn oo Xamdi waxay i qaaday Jaceyl aanan caadi aheyn. Xaaladaas waxaa ku sugneyn ilaa 5 sano, anigoo 23 jir Xamdi-na ay tahay 22 sano jir, ayay Xamdi la’adkeysan weyday Jaceylka faraha badan ee aniga ii qabtay.

Iyadoo ay tahay xilli habeen fiid ah ayay Xamdi u soo labisatay si’aanan weligee ku arkin, waloo ay aheyd Xamdi gabar haddii ay labisan tahay iyo haddii kalaba aysan qarsoomin quruxdeyda. Waxay u soo jaleecday dhankii aan taagnaa hase ahaatee waxay i dhiibtay Bashqad iyadoo igu tiri soo akhriso igana soo jawaab. Hadaba warqadaas waxaa ku qornaa sidatan “Walaalkey Aweys caawa waxan rabaa inaan ku sheego sir aan wax badan qarsanayey, Aweysow Somalida waxay tiraahdaa wixii aad qarsato wey ku qarsadaan, balse caawa waxaa si kal iyo laab leh ku lee-yahay haddii aan noolahay adiga ayaa ku noolahay haddii aan dhintana adiga ayaa kaa dhintay, ee Aweys macaane waan ku jeclahay” intaas markaan arkay ayaan yaabay, oo maxaa la-yaabay? Waayo weligee isma laheyn Xamdi ayaa ku caashiqi doonto, runtii waan iska ilmeeyay waxaan sameeyo ayaan garan waayay, anigoo isku buuqsan garan la’ waxaan ku dhaho ama aan ugu jawaabo ayaa waxaa wadada soo maray Ibraahim Cali oo ah Saxibkey oo u socday masaajidka waayo salaadihii cashaha aheyd ayaa la-geli rabay. Wuxuu dareemay inaan murugsanahay isagoo igu yiri caawa maxaa kuugu dhacay ee sidee wax u jiraan? Maba ogeyn xilli aan u dhiibay warqadii ay i soo qortay Xamdi, sidoo kale Ibraahim Cali wuxuu ahaa saxibkey aan ifka ugu jeclaa waxbana maanan kala qarsan jirin. Wuxu akhriyay warqadii ay Xamdi i soo qortay, wuxuuna igu yiri war nin yahow Xamdi waa gabar kaftan badan ee armeysan ka aheyn dhab, hadana wuxu i raaciyay Xamdi waan hubaa oo waxaan kaloo kale kuma kaftameyso ee Aweysow iska hubi, haddii aad ka dareento Jaceyl, aniga waxan kuugula talin lahaa hadhaafin, maxaa yeelay waa gabar dhan walba ka dhisan.

Habeenkii wax jawaab ah maanan siinin, waxan iska galay uun qolkii aan guriga ka dagenaa, waxaa ku fikiray sidee baad Jaceyl ula wadaagi kartaa, adigoo og ninka gabadhaan dhalay, hadana waxaan iri waxaas kabax ee bad baadi gabadha walaashaa ah ee ku caashaqday, mar kale ayaa is-dhahay gabar ay dhashay Eedadaa misa-na aad hal guri wada-dagen tihiin Aweysow sidee u damci kartaa? Ugu danbeen waxaan qaatay taladii saxibkey Ibraahim Cali ee aheyd iska hubi haddii ay dhab ka tahay hadhaafin ileen waa gabar dhan walba ku wanaagsanee.

Waxaan u gada galay baaritaan dheer waxaan ogaaday in ay labadeyda indhood ay iga jaceshahay Xamdi, mudo 6 bilood kadib ayuu anna i qaaday cudurkii cashaqa ahaa.

Waxaan wada-socono oo aan wada kaftano jaceyl macaana aan iskaga jirno, ayaa waxay maalin maal-maha kamid ah ay Xamdi igu tiri macaane waxaa kaa codsanaayaa arin yar oo aanan dhib kuugu aheyn, anigoo is-leh taloo maxay ku dhihi doontaa ayay igu tiri sidee u aragtaa qeyb kamid ah garabkayga haddii aad magacaaga ku qorto?

Intii aanan u jawaabin ayay igu dhahday macaane haddii aad i jaceshahay fadlan i samey, waa codsi aan kaa codsaday!. Waxay ila noqotay arin aanan wanaagsaneyn waxaan ka codsaday in ay waxaasi iska dhaafto bacdamaa xagga Diinta ay tahay wax aysan Diintu ka rali aheyn?

Xamdi wey iga ogolaatay, 2 bilood kadib waxan arkay gacanta Xamdi oo macayga ku qoran yahay, iyadoo lagu qoray DAB. Markaan arkay Xamdi waa ku carooday waan ku yara qeyliyay, hase ahaatee waxay iigu jawaabtay “Macaane aad baan ku jeclahay, jaceylkaaga ayaa heerkaan i gaarsiiyay”. Xaqiiqdi hadalkaas markii ay igu tiri waan ka qancay, wuxuuna hadalkaasi igu abuuray kalsooni balaaran. 2 sano xilli ay kasoo wareegatay ayay Xamdi xanuunsatay, gacanta Xamdi oo uu ku qoran yahay magacayga ayaa waxaa arkay Cali Baashi oo ah Xamdi da’dii ka weyneyd, wuxuuna durbadiiba ku war geliyay Aabihiis.

Halka uu odayga igu qeyliyay iguna dhahay wax walba oo uu doonaayay oo ay kamid aheyd “xagey geeneysaa gabadhayda, maxaadse siineysaa, waryaa baqti baqti dhalay baa-tahay ee gabadhayda ii aamaan gelli, isagoo iga raacadeyay gurigii aan intaan kusoo le’ekaaday”. Xamdi ayaa waxay gashay Cisbitaal waxaana ku dhacay Cudurka ay Soomaalidu u taqaano CAGAAR-SHOW.

Xamdi oo aad u xanuunsan ayaa waxay i soo dirtay fariin oo ay leedahay si walbo oo aan u jiranahay fadlan waa ku baryaa, Macaane meeshaan ha’igu soo booqon, Aabahey waa bahal, waa manaxe habeen iyo maalin isaga ayaa ila jooga, waxaana ka baqaayaa adigoo i soo booqanaayo inuu ku arko dabeed-na uu ku dilo.

Anigoo u baahan gacalisadeyda inaan soo booqdo ayaa hadana waxa kahor marsiiyay codsigaydii ahaa inaanan meeshaasi kusoo booqon.

Habeen iyo maalin Masaajidka maanan ka bixi jirin anigoo Alle ka baryi jiray inuu caafimaad siiyo gabadha aan ifka ugu jeclahay ee Xamdi. Nasiib wanaag Alle wuxuu Xamdi siiyay caafimaad wanaagsan, Xamdi waxay dib ugu soo laabatay gurigii la’iga soo ceyriyay. Waxaan iskala noolaa Saxib Ibraahim Cali. Hooyadii Caasha Xuseen Kheyr Allaha siiyee waxay iyana ii gashay Abaal weyn.

Intii ay Xamdi Cisbitaalka ku jirtay ayuu igu dir diray odaygii dhalay isagoo ku dhihi jiray ninkaan muxuu ku sheegaayaa waa faqiir, ee wiil uu dhalay Adeerkaa Libaan oo jooga Canada ayaa doonaya inuu ku guursado, isaga ayaana Canada ku geenaayo ee sidaas ula soco, halka ay iyana durbadiiba ay ka aqbashay.

Habeen habeenada kamid ah waxaa si ganbasho ku imid gurigii Xamdi, waxaase u diray wiil yar oo Xamdi ladhashay oo awalba aan anigu bari Jiray Qur’aanka, hase ahaatee Xamdi waxay ku tiri u sheeg Aweys nuxurkiisii waa uu dhamaaday. Wiilkii yaraa ayaa ii imid isagoo i sheegay fariintii, si walba ha-ahaatee waxaan gudaha u galay qolkii ay Xamdi joogtay, waxaa wada joogay dhamaan caruurta la-dhalatay iyo Eedadey iyo Aabaheyd, waxaan ku iri maxaad sidaan igu rafaadineysaa haddii aan imid guriga oo aan fariin kusoo diray maxaad sidaan igu ciqaabeysaa? Waxay igu tiri ii sii-daay gacanta ee imood aniga weligee wax jaceyl ah kuuma qaadin. Hadalkaas wuu ii cuntami waayay waxaan ku iri waan ogahay waad i jaceshahay ee shalay markii uu ku haayay xanuunkii jaceylka maanan kuugu fiirsan ee walaaley maanta aad baan kuugu bukaa ee ii naxariiso Alle hakuu naxariistee!. Waxay jawaab iga dhigtay intey simaha qabsatay ayay dhulka candhuuf ku tuftay misa-na ay igu tiri haddii aad mar danbe i dhahdo waan ku jeclahay, iska jir Aabahey ayaa shaqadaada yaqaano.

Anigoo iska ooy-naayo ayaa goobtaasi kasoo tagay, waxaa go’aan ku gaaray inaan shaqeysto. Bil kadib anigoo iska rafaadsan hurdana ay igu yar-tahay ayaa waxa maqlay Xamdi waxaa lagu mehriyay Wiil ka yimid Canada. Waa iska ooyay dhulka ayaa isku garaacay anigoo ku calaacalay caku nimaan lacag heysan. 3 maal-mood ayuu Arooska Xamdi socday, waxayna ku aqal gashay Hotel Saxafi ee magaaladda Muqdisho.

Xanuunkaas markaan u adkeysan waayay ayaa Saxibkey Ibraahim Cali Hooyadiis Caasha Xuseen igu tiri, waan dareemi karaa dhibaatada ku heysata ee meeshaan iskaga haajir iyadoo i siiyay lacag dhan 500 oo dollarka maraykanka ah. Waxan imid magaaladda Nairobi, waxan ka helay shaqo Dukaan ah. Nasiib wanaag waxaa 3 bilood kadib Nairobi kula kulmay gabar 23 jir ah, kana timid Norway, wey iga heshay Norway ayay ku laabatay, waa is-fahanay. Aabheyd oo Kampala joogay bay igu tiri la-hadal waan la-hadlay wuuna i siiyay, mudo gaaban kadib Nairobi ayay kusoo laabatay halkaasi ayaa ku aqalnay.

Wey i dacwootay hadana waxaa ku wada nool nahay Magaaladda caasimadda ah ee Oslo ee dalkaan Norway. Ugu danbeen Xamdi meysan tagin Canada, ninkiina wuu ku xumaaday hada waxay dhex joogtaa ceelasha biyaha, iyadoo had iyo jeer soo garaacda teleefankayga, halka anna aanan ka qaban. Hadaba waalidiinta Somaliyadeed waa ineysan cudurka dilaaga ee caashaqa ah ku dhabar gooyin Ubad-kooda, iyagoo madaxa u gelinaaya meel aysan ku qanacsaneyn. Mudane Aweys oo wareysi dheer-siiyay wariyayaasha Barnaamijka Isha dhacdooyinka Caalamka, ayaa intaasi kusoo gaba-gabeeyay Qisadii Murugta laheyd ee ku dhacday.

Related posts:

  1. Dhacdo Xanuun leh oo ka dhex taagan lamaane Somaliyeed oo jaceyl wadaag ahaa “Qiso Dhab ah”
  2. Gabar Soomaaliyeed oo qiyaano xanuun leh kala kulantay wiilkii ay ifka ugu jecleed “Qiso Xanuun Leh”
  3. Sidee u aragtaa qaraxa xoogan ee shaley lagu laayay arday iyo waalidiin Somaliyeed “Ka Dhiibo Fikirkaaga”
  4. Daawo Sawirada waxa maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho iyo waalidiin badan oo Somaliyeed oo ooyay
  5. Qiso xanuun leh oo dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo muddo dheer wada socday “Qiso Dhab Ah”

1 Comment

  1. Ina lilah wa ina ileyhi rajucuun…isha ibli adanka dhibkaas ayey leydahay…

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arintaan oo runtii ah mid aad u naxdin badan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Aadan iyo Suraya, dad ku dhaw dhaw Aadan...
Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Allihi na abuurtay ayaa leh awood oo dhan kaa oo ah midka xukuma aduunka aan ku noolnahay waxa uuna awood u leeyahay in uu sameysto waxa uu doono iyo sida...
Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhakhtar u dhashay dalka Pakistan oo ka caawiyey sirdoonka dalka Maraykanka dilkii loo geystey Osama Bin Laden ayaa lagu xukumay soddon sano oo xarig ah. Shakil...
Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi ayaa wuxuu iska jaray xubintiisa taranka, kadib markii uu u baahday lacago, si’uu u helo lacagaha uu u baahan yahay ayaa wuxuu...
Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

1da April, dadka aaminsan Christianity- ga waxa ay u yaqaanaan APRIL FOOLS’S DAY{ beenta April.} waxaase in la is waydiiyo mudan maalintan maxay...