By: Mastar //  Feb 09 2012 at 9:41 am //  833 Reads  // Wararka Somalia

Dowladda Kenya oo dishay dagaal-yahano badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya oo ay korkacayaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay weeraro ku qaadeen Talaadadii la-soo dhaafay Deegaanka Dalaayad ee Duleedka Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ka dhaceen dagaalo culus oo geystay khasaaro badan.

Ciidamadda Dowladda Kenya iyo kuwa Soomaalida, ayaa waxay dagaaladaasi ku dilleen in ka badan 14 dagaal-yahano oo ka tirsan Xoogaga Shabaab, waxaana ka mid ahaa Sheekh Abuu Yaxye, oo ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab ee Gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya Major Emmanuel Chirchir, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay guul weyn ka gaareyn Xoogaga Shabaab, kadib markii ay kula dagaalameen Deegaanka Dalaayad ee Duleedka Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in weerarkaasi ay muhiim u ahayd inay ku qaadaan Xoogaga Shabaab, isagoo taasi sabab uga dhigay inay ku dilleen Sheekh Abuu Yaxye, oo si weyn ugu wanaagsanaa dagaal-gellinta dagaal-yahanada Al Shabaab.

Marka laga soo taggo dilka ay u geysteen Sheekh Abuu Yaxye ayaa wuxuu sheegay in weerarkaasi ay ku dilleen 13 askar oo kale oo Al Shabaab ka tirsanaa, ayna kala wareegeen Deegaanka Dalaayad ee duleedka Degmada Badhaadhe.

Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya Major Emmanuel Chirchir, aya wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan Xoogaga Shabaab, isagoo dhinaca kalana sheegay in Shabaab ay tabar beeleen.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab oo ku aadan hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya Major Emmanuel Chirchir.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments