By: Mastar //  Feb 08 2012 at 12:00 pm //  2,184 Reads  // Wararka Somalia

Dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dhacdo maanta argagax badan dhalisay ayaa waxay ka dhacday Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoo siyaabooyin xoogan ay uga hadlayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan qeybaha kala duwan ee dalka.

Ciidamadda Maamulka Dooxada Shabelle ayaa waxay weerareyn Masaajid ku yaalla Magaaladda Baladweyne, waxayna kala soo baxeyn dhawr rag ah, waxay ku fureyn rasaas xoogan markii ay banaanka ula soo baxeyn.

Seddex nin ayay goobtaasi ku dilleen, halka afar kalana la-sheegay inay u geysteen dhaawacyo kala duwan, isla-markaana kuwii dhaawacmay ayaa waxaa la-sheegay inay u gacan gelliyeen Ciidamadda Dowladda Itoobiya.

Ciidamadda Itoobiya ayaa waxay wateen afartii nin ee ay dhaawaceyn Ciidamadda Maamulka Dooxada Shabelle, isla-markaana lama oga goobta rasmiga ah ee ay xilligaan ula dhaqaaqeen, waxaana weeye arintani mid saameynteeda leh.

Maamulka Dooxada Shabele ayaan ka hadlin dhacdadaan foolxumo badan leh ee ay ka geysteen Masaajid ku yaalla Magaaladda Baladweyne, waxayna tani qeyb ka tahay dhibaato xoogan ee loo-geysanaayo shacabka reer Baladweyne.

Shacabka ku dhaqan Magaaladda Baladweyne iyo qeybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya, ayaa waxay si weyn u cambaareeyeen dhacdada maanta ay Ciidamadda Maamulka Dooxada Shabelle ka geysteen Magaaladda Baladweyne.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments