Dagaalo saf balaaran leh oo maanta lagu qaaday Al Shabaab iyo dhul balaaran oo dagaalo xoogan looga qabsaday

Published on Feb 07 2012 By: Dhaliye //  1,286 Reads  // Wararka Somalia


Dagaalo qaraar ayaa waxaa maanta Xoogaga Shabaab looga qabsaday dhul balaaran, iyadoo dhinaca kalana ay dagaaladaasi geysteen khasaarooyin kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac xoogan.

Kahor inta aysan dagaalada bilaaban ayay diyaaradaha dagaalada ee Dowladda Kenya ay duqeymo xoogan ku garaaceen Deegaanka Dalaayad ee duleedka Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, isla-markaana waxaa duqeymaha xigay weeraro efantari ah oo lagu soo qaaday.

Weerarada efantariga ah ayaa waxaa si balaaran u soo wada-qaaday Ciidamadda Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, balse waxaa ku wehlinaayay Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni ,oo uu hogaamiyo wadaadka weyn ee Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Sheekh Axmed Madoobe”.

Dagaalada labada dhinac oo qaatay waqti badan ayay markale diyaaradaha dagaalada ee Dowladda Kenya ay duqeymo xoogan markale ku garaaceen Deegaanka Dalaayad oo laga saari waayay Xoogaga Shabaab, inkastoo markii dambe laga saaray.

Dagaalada maanta ruxay Deegaanka Dalaayad ayaa waxay geysteen khasaarooyinka kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla-markaana dhimashada ayaa waxaa lagu sheegay inay ka badan tahay 15 askari, halka dhaawacyaduna ay sii caga-cageynayaan in ka badan 30 askari.

Isgaarsiinta ayay Dowladda Kenya ka jartay Deegaanka Dalaayad, si markaasi aysan dagaalo rogaal celin ah u soo qaadin Xoogaga Shabaab, isla-markaana Xoogaga Shabaab ayaa waxaa la-sheegay inay u dhaqaaqeen dhinaca Magaaladda Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose.

Majirto wax war ah oo ka soo kala baxay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, marka laga reebo warar madax banaan oo sheegaaya in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab laga saaray Deegaanka Dalaayad ee duleedka Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Related posts:

  1. Xarakada Al Shabaab oo maanta dagaalada looga qabsaday dhul balaaran “Daawo Sawirada”
  2. Ahlu Sunna oo dagaalo xoogan ku qaaday Al Shabaab iyo dhul balaaran oo Al Shabaab laga saaray
  3. Dagaalo culus oo lagu qaaday Al Shabaab iyo dhul balaaran oo lagala wareegay “Top News”
  4. Xarakada Al Shabaab oo maanta laga qabsaday dhul balaaran oo ay muddo gacanta ku heysay “Top News”
  5. Xoogaga Shabaab oo dagaalo culus ku soo qaaday Ciidamadda Dowladda iyo Kenya, iyo dhul balaaran oo ay la-wareegeen

2 Comments

  1. Qoor gooye says:

    @ haji nacalatulahi calayhi hadi ad munafaqnimadadi so bandhigtay adna waxa ad sugta wa in amalkadi lagu siyo dadka adiga oo kale ahna waxan leyahay ee qaba amradul qulubka mutu bigaydikum ku dhinta caradina

  2. Haji says:

    Asc guul cadawga ilaah iyo cadawga umada somaliyed wa laga adakaan dona dowlada waxa leyhay dhamestira hosha aad ku baabineysan khawarijta bye

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arintaan oo runtii ah mid aad u naxdin badan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Aadan iyo Suraya, dad ku dhaw dhaw Aadan...
Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Allihi na abuurtay ayaa leh awood oo dhan kaa oo ah midka xukuma aduunka aan ku noolnahay waxa uuna awood u leeyahay in uu sameysto waxa uu doono iyo sida...
Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhakhtar u dhashay dalka Pakistan oo ka caawiyey sirdoonka dalka Maraykanka dilkii loo geystey Osama Bin Laden ayaa lagu xukumay soddon sano oo xarig ah. Shakil...
Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi ayaa wuxuu iska jaray xubintiisa taranka, kadib markii uu u baahday lacago, si’uu u helo lacagaha uu u baahan yahay ayaa wuxuu...
Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

1da April, dadka aaminsan Christianity- ga waxa ay u yaqaanaan APRIL FOOLS’S DAY{ beenta April.} waxaase in la is waydiiyo mudan maalintan maxay...