Xarakada Al Shabaab oo khasaaro culus u geysatay Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya

Published on Feb 07 2012 By: Dhaliye //  727 Reads  // Wararka Somalia


Xarakada Al Shabaab ayaa waxay khasaaro u geysatay Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya, iyadoo dhinaca kalana ay sheegtay inay sii wadi doonto khasaaraha xoogan ee ay u geysaneyso.

Gawaari ay wateen Ciidamadda Dowladda Kenya oo maraayay Deegaanka Al Wiila ee duleedka Magaaladda Garbahaarey ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa qarax xoogan la-beegsaday rag ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Qaraxaasi ayaa wuxuu qabsaday gaari ay saarnaayeen in ka badan 20 askari oo Kenyan ah, isla-markaana waxaa ka soo gaaray khasaarooyin kala duwan oo iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo gaariga oo uu ku yimid burbur xoogan.

Weerarkaan oo dhacay saacado kahor, ayaa waxaa soo sheegay dad ka yimaaday Deegaanka Al Wiila, kuwaa oo soo gaaray Magaaladda Garbahaarey, iyagoo intaasi ku daray in isgaarsiinta laga jaray Deegaanka Al Wiila.

Waxay dadkaasi sheegeen in goobtaasi ay ku dhinteen tiro ka badan 10 askari oo Kenyati ah, halka tiraii kalana ee saarneyd ay sheegeen inay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan oo qaarkood halis ah, inkastoo aysan weli ka hadlin Dowladda Kenya.

Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ee Gobolka Gedo, ayaa waxay ku faaneyn in weerarkaasi ay ku dilleen in ka badan 30 askari, balse dadka ka yimaaday Deegaanka Al Wiila ayaa waxay sheegeen in dhimashado ay toban gaareyso, laakiin aysan gaareyn 30 askari.

Related posts:

  1. WAR DEG DEG: Xarakada Al Shabaab oo khasaaro u geysatay Ciidamadda Dowladda Kenya
  2. Dowladda Kenya oo si xarako leh u sheegtay inay khasaaro culus u geysatay Xarakada Al Shabaab
  3. Xarakada Al Shabaab oo sheegtay in khasaaro culus ay u geysatay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya
  4. Xarakada Al Shabaab oo sheegtay inay khasaaro u geysatay Ciidamadda Kenya iyo Raaskambooni oo ka jawaabtay
  5. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Xarakada Al Shabaab ay u geysatay khasaaro culus “Warbixin”

1 Comment

  1. Allaahu akbar allaahu akbar allaahu akbar walilahilxamdu wallahu akbar mahad dhamanted waxaa iskaleh allihii gaalada uga aargoostay gacmaha mujaahidiinta.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arintaan oo runtii ah mid aad u naxdin badan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Aadan iyo Suraya, dad ku dhaw dhaw Aadan...
Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Allihi na abuurtay ayaa leh awood oo dhan kaa oo ah midka xukuma aduunka aan ku noolnahay waxa uuna awood u leeyahay in uu sameysto waxa uu doono iyo sida...
Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhakhtar u dhashay dalka Pakistan oo ka caawiyey sirdoonka dalka Maraykanka dilkii loo geystey Osama Bin Laden ayaa lagu xukumay soddon sano oo xarig ah. Shakil...
Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi ayaa wuxuu iska jaray xubintiisa taranka, kadib markii uu u baahday lacago, si’uu u helo lacagaha uu u baahan yahay ayaa wuxuu...
Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

1da April, dadka aaminsan Christianity- ga waxa ay u yaqaanaan APRIL FOOLS’S DAY{ beenta April.} waxaase in la is waydiiyo mudan maalintan maxay...