Daawo Sawirada: Madaxweynaha Soomaaliya oo xabadka u garaacday sidii lagu soo noolleyn lahaa Suugaanta Soomaalida
Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu xilliyadaan uu wadaa olole xoogan oo lagu doonaayo in dib loogu soo noolleeyo Suugaanta Soomaalida, taasoo wixii ka dambeeyay burburkii dalka si weyn aad hoos ugu sii dhaceysay.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu maanta ka qeyb gallay xaflad lagu maamuusaayay Suugaanta Soomaalida, oo lagu qabtay Hawl-galka Iskuul Polizio ee Degmada Xamar Jajab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ku dheeraaday ka hadlida qiimaha ay Suugaanta ku lee-dahay dadka Somaliyeed, isagoo xusay in Suugaanta ay tahay mid kaalin ka qaadan karta suggida ammaanka dalka iyo sidii nabad wanaagsan dib dalka loogu helli lahaa.
Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Somaliya ay ka go’an tahay sidii loo-soo noolleyn lahaa Suugaanta Soomaalida, oo la-burburtay Dowladdii Kacaanka ee uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan fanaaniin badan oo Soomaali ah, kuwaa oo maanta aad u xanuunsanaaya, waxaana loo-baahan yahay buu yiri in loo-gurmado oo wax loo-qabto, isagoo intaasi ku daray in Dowladda Somaliya ay diyaar u tahay in wax laga qabto xaaladda Fanaaniinta kala ah Cabdi Tahliil Warsame iyo Jiim Sheekh Muumin.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu xabadka u garaacanayaa sidii dib loogu soo noolleyn lahaa Suugaanta Soomalida, taasoo ay maanta fanaaniin badan ay soo dhaweeyeen.





|
|


Print
