Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ku kacay qiyaano qaran oo aad u xun “Kuwaan Madax Mala Dhihi Karaa”?

Published on Feb 05 2012 By: Dhaliye //  1,257 Reads  // Wararka Somalia


Tan iyo todobaadkii hore ayaa waxaa suuqyada Magaaladda Muqdisho si weyn loogu kala iibsanaayay deeqda waxbarasho ee ay Dowladda Turkiga ugu tala gashay ardayda Somaliyeed, inay wax ku bartaan gudaha dalkeeda.

Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxaa loo-xil saaray inay ardayda Somaliyeed si Cadaalad leh ay wax ugu qeybiso, hase yeeshee waxay Wasaaradda bilowday wax-yaabo aad u fool-xun.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxay sheegtay in ardayda Somaliyeed ay ku soo xulli doonto halbeega 4.5 oo ay Dowladda Soomaaliya ku dhisan tahay, taasoo ah mid aan Cadaalad ahayn, iyadoo wax laga xumaadana ay tahay in waxbarashadana laga qeybsado 4.5.

“Imtixaan ayaa leega qaaday waxaana gallay kaalinta 3-aad, marka waxaa leegu dhahay mar dhaw ayaa bixi doontaa ee naga war sug, waxaa dhacday inaan iska waayo liiska ardaydii loo-qaadaayay Turkiga, markaas ayaan u yimid Wasaaradda Waxbarashada oo aan weydiiyay sababta magaceyga loogu soo dari waayay liiska ardayda la-qaadaayo, laakiin waxaa la’igu dhahay 4.5 ayaa waxbarashada lagu qeybiyay, marka waxba malihid” ayuu yiri Cilmi Nuur Cali oo ka mid ah ardaydii imtixaanada ku baastay, ee hadana 4.5 ahaan dib loogu celiyay.

Arintaan oo mid aad u foolxun ah ayaa waxaa dacwad ku aadan loo-gudbiyay Dowladda Turkiga, laakiin Dowladda Turkiga ayaa waxay muujisay inaysan hadda arintaasi waxba ka qaban karin, maadaama Madaxdii Qaranka Somaliyeed ay sidaasi yeelleen.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay inta badan ay ku kacaan wax-yaabo aan marnaba loo-dulqaadan karin, waxayna inta damiirka wanaagsan leh ay tani ku tilmaameyn mid lagu dhacaayo Xaqa ay lee-yihiin dadka qaarkood.

Related posts:

  1. Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ka hadlay mataaneynta Booliiska iyo Wasaaradaha Dowladda?
  2. Madaxda Dowladda Soomaaliya oo hambalyo iyo bogaadin u jeediyay shacabka Somaliyeed “Daawo Sawirada”
  3. Khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya oo la-soo gaba-gabeeyay
  4. Dowladda Soomaaliya oo war murtiyeed ka soo saartay kullan ay yeesheen Madaxda Afrika “War Saxaafadeed”
  5. Madaxda Dowladda Soomaaliya oo soo saaray amar xasaasi ah oo uu dhiig ku daadan karo “Aqriso”

1 Comment

  1. ahmad says:

    asc wrbr walaalayaal kuwaan labaatan iyo dhowr sano ayeey dhiiga umadda cabayeen wax sidaa uweeyn kamaba ahan ineey wax isdaba mariyaan waa kuwii xalaashaday dhiiga umada soomaaliyeeyd kana taajiray welina ka ganac sanaaya marka walaalayaaal soomaaliyeey aan sabarka badsano qofweliba oo soomaali ah ha isku celiyo meeshuu joogo oo hakaga sii dhuunto dad qalatada wadanka heeysata waa eey zuulayaan oo waxaa xaqiiq ah dhulka wuxuu udambeey naayaa inta alle swt ka cabsata ee xaqa daa ima marka waxaan lee yahay aan sabarka badsano intuu illaah ku waan ka xukumaayo xukun kooda ayaa haray maa hee heer muqdisho umadda soomaaliyeed waxba uma reeban wabillaahi tow fiiq

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arintaan oo runtii ah mid aad u naxdin badan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Aadan iyo Suraya, dad ku dhaw dhaw Aadan...
Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Allihi na abuurtay ayaa leh awood oo dhan kaa oo ah midka xukuma aduunka aan ku noolnahay waxa uuna awood u leeyahay in uu sameysto waxa uu doono iyo sida...
Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhakhtar u dhashay dalka Pakistan oo ka caawiyey sirdoonka dalka Maraykanka dilkii loo geystey Osama Bin Laden ayaa lagu xukumay soddon sano oo xarig ah. Shakil...
Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi ayaa wuxuu iska jaray xubintiisa taranka, kadib markii uu u baahday lacago, si’uu u helo lacagaha uu u baahan yahay ayaa wuxuu...
Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

1da April, dadka aaminsan Christianity- ga waxa ay u yaqaanaan APRIL FOOLS’S DAY{ beenta April.} waxaase in la is waydiiyo mudan maalintan maxay...