Dhacdo layaab leh oo ka dhacday Magaaladda Muqdisho

Published on Feb 03 2012 By: Dhaliye //  1,393 Reads  // Wararka Somalia


Dhacdadaan ayaa waxay u dhaxeysay lamaane Soomaaliyadeed oo aad isku jeclaa, kuwaasoo qaraabo ahaa. Labadaan lamaane ayaa waxaa lagu magacaagaa Hanad iyo Raaxo. Hanad ayaa lasoo xiriiray wariyayaasha barnaamijka Isha dhacdooyinka caalamka, isagoo uga waramay sidii ay wax u dhaceyn, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan.

Waxaan ku dhashay degmada Wardhigley ee magaaladda Muqdisho sanadka markuu ahaa 1984-kii, waxbarashadayda waxan kusoo qaatay iskuulka Saqaawadiin oo ku yiilay xaafadda Maana Booliyo ee degmada Shibis. Sidoo kale Raaxo waxay aheyd gabar aanan kusoo bar-baarin magaaladda Muqdisho balse waxay kusoo kortay meel Tuulo ah.

Xilligaas waxaan ahaa nin bulshaawi ah oo dadka oo dhami ay wada jacel yihiin, xaqiiqdii xilligaas waxan aqaanay gabdho aad u fara-badan, lakin gabdhahaas oo dhan waxaa iga sii jeedisay Raaxo, Raaxo waxay ka timid Tuuladii waxayna imaaday degmada Yaaqshiid ee magaaladda Muqdisho.

Xilli galab ah ayaa wiil aanu qaraabo aheyn igu yiri galabta waa inaad i raacdaa waxan kusoo bari doonaa gabar uu dhalay adeerkaa, aniguna waa iska ogolaaday oo wax hadal ah maanan ku celin. Waxaanu tagnay gurigii ay Raaxo joogtay, runtii Raaxo markaan arkay aad baan uga helay, waayo waxay aheyd gabar aad u qurxoon oo Qalanjo ah, waxaana is-dhahay malaha gabdhaha ku nool magaaladda Muqdisho waxaa ka qurxoon gabdhaha Baadiyaha ku nool.

Raaxo sifiican ayaa isku baranay waxaa ka qaatay teleefankii ugu jiray guriga kaasoo ahaa Olambik (OLYMPIC). Waxaa bilownay sheeko iyo inaan is-balansano, aad baana uga helay una calmaday Raaxo, mudo fara-badan kadib waxaa noqday nin aanan caadi aheyn, nin aanan aqoonin Raaxo cidaanan aheyn. Ugu danbeen waxan u soo bandhigay inaan jeclahay oo aanan ka maarmin, waxayba igu tiri xaaji cudurka kiligaa ma-qabtit oo waan kula qabaa, runtii marna waa farxay marna waa naxay, oo sababtu maxay tahay?

Marka hore waxan islahaa armey ku diidaa oo ay ku dhahdaa walaashaa baan ahay ee iga xishoo, waxaan ku farxay wax kale maaha ee waa sida ay i soo dhaweysay.

Aniga iyo Raaxo waxan aheyn ilmo adeer labaad, mudo kooban kadib waxaa isku dhacay Aabahay iyo Raaxo Aabaheyd, dagaalkaas maaha mid ku saabsan aniga iyo Raaxo balse waa mid ku saabsan qoyska uun. Xilligaas waxaa dhacday gabar la-dhalatay Raaxo oo magacaydu yahay Kowsaro ayaa nafta i keentay, iyadoo had iyo jeer igu dir diri jirtay Raaxo, waxayna ku dhihi jirtay qoyskaas waa dad xun waa dad Aabe xumeeyay ee qoyskaas wiilkooda ha’udhawaan hase yeeshee Raaxo warkaas kuma socon oo aniga oo kaliya baa ku socday.

Mar walba guriga Raaxo ayaa tagi jiray oo halkaasi baan kuwada sheekeysan jirnay lakin Kowsaro ayaa waxba ka socodsiin waayay, waxay igu tiri “Haddii aad gurigaan mar kale kuugu arko hadaanan biyo kulul indhaha aanan kaaga shubin Nasab maba ihi”

Galabtaas anigoo careysan ayaa kasoo tagay gurigii Raaxo, weliba galabtaas waan soo lugeeyay waxaana soo dhex maray Afarta Darjiin, nasiib darase waxaa jidka ii gashay Burcad oo waxay iga siibteen dharkii aan ku labisnaa iyo xooggaa lacag ah oo jeebka igu jirtay.

Raaxo ayaa waxay u tagtay gabar ay Saxibo ahaayeen, waxayna u sheegtay dhibka ina heystay, Gabadhaas ayaa waxay fursad inoo siisay inaan imaano gurigayda weliba aanu meeshaasi kuwada sheekaysano.

Mudo kadib Raaxo waxaa soo doontay nin lacag leh, durbadiiba odayga dhalay ayay u sheegtay in’ay i jaceshahay, wuxuuna ku yiri ninkaas aniga iguma socdo ee qof yahay ninka kusoo doontay ayaa ku guursan doona.

Aniga iyo Raaxo waxa ku dhawaanay inaan isla baxsano, balse waxay ila noqotay arin aanan wanaagsanayn. Waxaan isku dayay inaan ka doonto Adeerkay balse wuu igu xumeeyay.

Wax walbo oo aan sameeyo jaceylkayga waa kasban waayay xataa waxaan isku dayay inaan la-baxsado markii danbe balse waxaaba loo-sameeyay ilaalo iyada waardiya culus ka qabta, ilaa uu guurkayda ka dhacay.

Arintaan naxdinta leh ee igu dhacday ayaa waxay sababtay in magaaladda Muqdisho oo dhan lagu wada sheekaysto.

Waxaan iska fikiro oo aan isku-yara buuqo hada waxaan ahay mid iska caadi ah, waxaana ugu baaqayaa waalidiinta Soomaaliyadeed, inta aysan ubudkooda nin ku qasbin bal marka hore in’ay weydiiyaan haddii ay lee-yihiin jaceyl iyo in kale.

Hanad oo wareysi dheer ah siiyay wariyayaasha Barnaamijka Isha Dhacdooyinka Caalamka ayaa intaasi kusoo gaba-gabeeyay dhacdadii ku qabsatay Muqdisho.

Related posts:

  1. Dhacdo layaab leh oo ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho
  2. Dhacdo layaab leh oo ka dhacday magaaladda Muqdisho “Intaad nooshahay wax kasta fillo”
  3. Dhacdo layaab leh oo xalay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho “Maxaa ka dhacay Muqdisho”?
  4. Dhacdo layaab leh oo ka dhacday magaaladda Muqdisho “Nin Noolow Maxaa Aragti kuu laaban”
  5. Dhacdo layaab leh oo caawa ka dhacday magaaladda Muqdisho “God Qiyaano Ha-qodin Inaad Ku Dhici Doontidaa Lama Ogee”

1 Comment

  1. anigoo magacayga ah aadan gumaamo waxaan ku noolahay wadanka sacuudiga qaasatan damaamm waxaan dalxiis u i mid magaalada jedah waxaan la kulmay arin mufaaja ah ka dib markaan tagay jedah meel asxaabtayda ka shaqaystaan ayaan waxaan ku arkay rag is haysto oo isku haystaan shaqada ay ka shaqeeyaan oo carabkii shaqada lahaa isku dirayaan oo ay leeyihiin hebel ma fiicna wuu xun yahay shaqadana si fiican uma qabtomarkaan u kuur galay ayaan waraystay 4 wiil oo shaqada laga raacdeeyay waraysi dheer ka dib waxaa ii soo baxday wiilka shaqada xumeeyay inuu yahay ninka la yiraahdo cali shalabi oo soomaali ah iyo wiilka la yiraahdo xuseen shiiq maxamuud oo buriskooda ka danbeeyay a

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arintaan oo runtii ah mid aad u naxdin badan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Aadan iyo Suraya, dad ku dhaw dhaw Aadan...
Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Allihi na abuurtay ayaa leh awood oo dhan kaa oo ah midka xukuma aduunka aan ku noolnahay waxa uuna awood u leeyahay in uu sameysto waxa uu doono iyo sida...
Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhakhtar u dhashay dalka Pakistan oo ka caawiyey sirdoonka dalka Maraykanka dilkii loo geystey Osama Bin Laden ayaa lagu xukumay soddon sano oo xarig ah. Shakil...
Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi ayaa wuxuu iska jaray xubintiisa taranka, kadib markii uu u baahday lacago, si’uu u helo lacagaha uu u baahan yahay ayaa wuxuu...
Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

1da April, dadka aaminsan Christianity- ga waxa ay u yaqaanaan APRIL FOOLS’S DAY{ beenta April.} waxaase in la is waydiiyo mudan maalintan maxay...