By: Mastar //  Feb 01 2012 at 7:38 am //  766 Reads  // Wararka Somalia

Ciidamadda Itoobiya oo maanta khasaaro loogu geystay Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan “Top News”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Ciidamadda Dowladda Itoobiya ee ku sugan Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa maanta Magaaladda Baladweyne lagula beegsaday qarax xoogan, kaasoo si weyn u ruxay beriga Magaaladda Baladweyne.

Qaraxaan ayaa waxaa Ciidamadda Dowladda Itoobiya lagu eegtay agagaaraha Nuur Xawaad ee Xaafadda Xaawo Taako ee Magaaladda Baladweyne, isla-markaana waxaa lala beegsaday xilli ay lugeynayaan, ayna dhinac socdeen gawaari dhawr ah.

Qaraxa lala beegsaday oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga haggo, ayaa waxaa lala eegtay mid ka mid ah baabuurtii ay wateen, kaasoo wax-yeelo xoogan ka soo gaaray qaraxii lala eegtay.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa dhawr ka mid ah Ciidamadda Dowladda Itoobiya, kuwaa oo ay soo kala gaareyn khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka oo aan khadka teleefanka kula xiriirnay.

Ciidamadda Dowladda Itoobiya ayaa waxay rasaas xoogan ay ku fureyn dadkii ku sugnaa goobtii qaraxa lagula beegsaday, hase yeeshee lama sheegin wax khasaaro ah oo ay rasaastaasi ka soo saareyn shacabka reer Baladweyne.

Laakiin baaritaano balaaran oo ay sameeyeen Ciidamadda Itoobiya, ayaa waxay qaraxaasi u soo qab-qabteen shacab fara-badan oo masaakiin ah, kuwaa oo ay ka buuxiyeen xabsiyada ku yaalla Magaaladda Baladweyne.
Wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda Magaaladda Baladweyne kala soco wararkayna dambe.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments