Maxamed dheere ” Alshabaab gurigeya ma imaan karaan”.
jpg”>
Gudoomihiyii hore ee maamulka gobalka Banaadir ee dowlada KMG Soomaaliya Maxamed Cumar xabeeb ‘Maxamed Dheere’ ayaa waxa uu ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho,
Maxamed Dheere ayaa waxa uu sheegay in dagaaladaan magaalada Muqdisho ka scda ay yihiin kuwo aanan lahayn wax hadaf ah ama ujeedaa.
Gudoomiyihii hore ee gobalka Baanaadir ayaa waxa uu sheegay in dagaaladaan ay yihiin kuwo qasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadka shacabkaa.
Xarakada Al-Shabaab ayaa waxa uu ku eedeeyay Maxamed Dheere in ay ka danbayso qasaaraha soo gaara dad rayidkaa ee ku nool xaafadaha magaalada Muqdisho.
Maxamed Dheere ayaa sidoo kale waxa uu warar been abuur ah ku tilmaamay in gurigiisa ay la wareegeen xarakada Al-Shabaab,taas oo ay horay u sheegeen masuuliyiin ka tirsan Al-Shabaab in ay la wareegeen guriga Maxamed Dheere.
Hadalka Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ayaa waxa uu imaanayaa xili magaalada muqdisho ay ka socdaan dagaalo xoogan oo u dhaxeeya xarakada Al-Shabaab Ciidamada AMISOM iyo waliba kuwa dowlada KMG Soomaaliya.<a href="http://www.markacadey.net/news/wp-content/uploads/2010/09/MaxamedDheere.
|
|


Print
