By: Mastar //  Jan 29 2012 at 11:07 am //  1,980 Reads  // Wararka Somalia

Daawo Sawirada: Agaasimihii Idaacada Shabelle oo maanta lagu aasay Magaaladda Muqdisho

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Bahda Saxaafadda ayaa waxay maanta u tahay maalin murugo iyo argagax badan, kadib markii maanta lagu hor aasay Allaha u naxariistee Agaasimihii Idaacada Shabelle Xasan Cusmaan Cabdi “Xasan Fantasic”.

Qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed ayaa waxay u soo baxeyn inay si wanaagsan ugu aasaan Magaaladda Muqdisho Agaasimihii Idaacada Shabelle, oo xalay fiidkii lagu dillay Magaaladda Muqdisho.

Meydka Allaha u naxariistee Xasan Fantastic ayaa waxaa laga soo qaaday Cisbitaal Madiina oo ku yaalla Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, isla-markaana waxaa si weyn maanta loogu aasay Qabuuraha Baqdaad ee Degmada Wadajir.

Xasan Cusmaan Cabdi ayaa waxaa duugtiisa kadib u duceysay bulshada Somaliyeed, iyagoo ugu duceeyay in uu Alle geeyo meel wanaagsan, maadaama la-dillay isagoo u shaqeynaaya bulshada Somaliyeed.

Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo ka hadashay dilka Agaasimihii Idaacada Shabelle Xasan Cusmaan Cabdi “Xasan Fantasic”, ayaa waxay si weyn u cambaareysay tallaabada lagu dillay, iyadoo dhinaca kalana sheegtay inay wado baaritaano balaaran.






Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments