Maxaad ka taqaanaa taariikhda Agaasimihii Idaacada Shabelle Xasan Fantastic “Aqriso”
Illah ha u naxariisto Xasan Cusmaan Cabdi oo ay dishay gacan ka xaqdaran caawa, xasan waxa uu ahaa saaxiibkay aan isku meel wax ku soo baranay, iskalana soo shaqeynay Machadka Al-Imra ee Xaafada Nasteexo gaar ahaan Jiira Miskiin ama Madiina sida uu qofkasta u yaqaano.
Xasan waxa uu ku soo koray degmada Jilib taariikh ahaan sida aan ku hayo waxa uuna wax ku bartay magaalada Muqdisho, waxa uuu aha nin aad bulshada u jecel waxa uuna saxaafada ku soo biiray bilowgii 2000. waxa ayna isla soo saari jireen wargayska Qanciye Wariye ahna macalin Mohamed Cisamaan Cabdi oo ah Walaalkiis.
Xasan waxa ay da’diisu aheeyd 29 ilaa 30 jir waxaana uu ka tagay hal Xaas iyo sedax caruur ah oo kala ah labo gabdhood iyo hal wiil, waxaana uu Shabelle u soo shaqeeyay in ka badan 4 sano.
Alla ha u naxriistee Xasan Cusmaan, waxa uu ahaa nin si wanaagsan ula dhaqmi jiray
bulshada, waxaana uu aad u caawin jiray dadka dhibaateysan, isagoo si weyn uga qeyb qaatay caawinta dadka abaaruhu ay saameeyeen ee Muqdisho ku dhibaateysan.
Waxaan halkan Tacsi Tiiraayo leh uga dirayaa saaxiibkeen Xasan Fantastic oo ay dishay gacan ka xaq daran waxaana lee yahay samir iyo Iiimaan Illah hanaga siiyo Caruurtii iyo waalidkii uu ka tagayna samir iyo iimaan Alle ha ka siiyo.
Anigoo ah Maxamed Cali Royter aad ayaan uga naxay xaqiiqdii waana ilmeeyay Illaahow kuwa xasuuqaya warfidiyeenada ciribtooda tir oo Islaamka ka qabo Yaarabi kuwan naga qabo diina ma haystaanee kuwa Afaka soo duubta ee bulshadu qarinayaan ee saxafiyiintana gumaada ma loo dulqaadan karo waxa dilaya warfidiyeenada waa bulshada haddii aysan ahayn may difacaan codka xorta ah saaan gumaysi ayaa dhamaa malinkasta in caruur la agoomeeyo ma u dul qadan karno saxaafadu waa indhihiinii ee difaaca bulshow
Waxaan Tacsi gaar ah u dirayaa Mohamed Cismaan Cabdi oo ah Marxuumka walaakiis iyo Hooyadiis, waxaana lee yahay samir iyo iimaan Alle ha naga siiyo Aamiin Aamiin
Mohamed Ali Abdi “Royter”
Tierp, Uppsala Sweden
Related posts:
- Xukuumadda Soomaaliya oo si weyn uga hadashay dilka caawa loo-geystay Agaasimihii Idaacada Shabelle
- WAR DEG DEG: Agaasimihii Idaacada Shabelle oo caawa lagu dillay Magaaladda Muqdisho
- Maxaad ka taqaanaa taariikhda asxaabiga weyn ee C/Laahi Ibnu Jaxsha “Aqriso”
- Maxaad ka taqaanaa Taariikhda Abii Daalib oo Nabiga “N.N.K.H” adeer u ahaa “Aqriso”
- Maxaad ka taqaanaa Taariikhda Asxaabiga weyn ee C/Raxmaan Bin Cowf
|
|







5 Comments
waxey ila tahay dadka dmiraika leh in ay dalkii ku yaraadeen, neceebki kooxaha Soomaaliya waxaaba kasii darnaaday Mahiiga iyo Xerta cusub ee uu siyaasada Soomaaliya ka qortay.ALLOW NA DHAAFI MAHIIGE IYO CIYAALKIIIIIIIIIIIIIIIIIIIISA.
Waa wax duli ah qofki ku fana dil loo gaystayay wariye somaliyeed waxan leyahay:يا احمق كبير
الله أكبر الله أكبر ولله الحمد
ninka ninkaas dilay waan aqaan waa ku faraxsanahay qorshaha halyeey nimadaa oo uu fuliyay.
raximulaah waraxmatu waa sica macalinkeyga marna sxbkeyga aad baan uga naxay markan maqlay gaaridiisa waxaan soo xasuustaa malin xaflada qalin jabinteedu ay eheed u ka qudbeeyey uu na dhahay hala dadaalo wax barashada ciyaar ciyaar maha ilaahow ilaahow u naxariiso amiiiin
waxaan tacsi tiiraanyo leh aan halkaan ugu diraa xasan fantastik ilaah ha u naxariisto in shaa allah
ilaah janada haka waraabiyo aduunkiis hala haan ayuu ku ekaa