Xukuumadda Soomaaliya oo si weyn uga hadashay dilka caawa loo-geystay Agaasimihii Idaacada Shabelle

Published on Jan 28 2012 By: Dhaliye //  314 views  // Wararka Somalia


Dowladda ayaa waxay ka hadashay dilkii caawa fiidkii Magaaladda Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Agaasimihii Idaacada Shabelle ee Magaaladda Muqdisho Xasan Cusmaan Cabdi “Xasan Fantastic”.

Hadaba War Saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta, ayaa wuxuu u qornaa sidatan:-

Dowladda Federaalka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya waxay canbaareyneysaa falki foosha xumaa ee caawa dilka loogu geystay Allaha u naxariistee Xasan Cusmaan Cabdi oo ahaa Agaasimaha Radio Shabelle ee Mogaalada Muqdisho oo ay koox dhagar qabayal ah si gaadmo ah ugu toogteen meel aan ka fogeyn hooygiisa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa ku tilmaamay dilka marxuumka arin naxdin leh aadna looga xumaado, asigoo xaqiijiyay in hey’adaha amniga baaritaan deg deg ah ku sameyn doonaan fal danbiyeedkaan. Wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyski iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xasan Cusmaan Cabdi, wuxuuna ilaahey uga baryay inuu janadii fardowsa ka waraabiyo.

Waxaa xusid mudan in saxafiyiinta Soomaaliya ay ku shaqeeyaan duruufo khatar badan, iyagoo mar kasta ay beegsadaan kooxaha xag jirka ah ee doonaya in ay hakiyaan tebinta gabood falka ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed iyo saxaafada xorta ah.

Samir & iimaan rabi haka siiyo qaraabadi, ehelki iyo asxaabti uu ka baxay Xasan Cusman Cabdi. Aamiin Aamin, Aamin

Related posts:

  1. WAR DEG DEG: Agaasimihii Idaacada Shabelle oo caawa lagu dillay Magaaladda Muqdisho
  2. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dilka loo-geystay wariye u dhashay dalka Malaysia oo Muqdisho lagu dillay
  3. Dowladda Ingiriiska oo si kulul uga hadashay dilka loo-geystay Wasiirkii Arrimaha Gudaha “Warbixin”
  4. Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo wiil dhalinyaro ah ku dillay magaaladda Muqisho iyo Xukuumadda oo ka hadashay
  5. Maxay ka tiri Dowladda Soomaaliya dilka loo-geystay Bilaal Alburjaawi oo u dhashay dalka Lubnaan?

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Ciyaarta Dibiga oo dhin ay ka soo gaarto dadka ciyaara & Iskiimoos !!!

Ciyaarta Dibiga oo dhin ay ka soo gaarto dadka ciyaara & Iskiimoos !!!

Ciyaarta Dibigi ayaa ka mid ah ciyaaraha loogu jeceel badanyahay aduunka gaar ahaan wadamada Yurubta iyo waliba Laataan Ameerica oo ay tahay ciyaar aad...
Ikraan Caraale ” waxaan jeclahay raga qaada Jiimka”

Ikraan Caraale ” waxaan jeclahay raga qaada Jiimka”

Inta badan aduunka aan ku noolnahay haatan waxaa ka jira dagaal dhanka jirka ah kaa oo ugu danbeyntii si aan caadi aheyn dhaqan u noqday ragga aduunka...
Waalidiin qir iyo qar ka joogga wiil yar oo ay dhalleen “Daawo Sawirada”

Waalidiin qir iyo qar ka joogga wiil yar oo ay dhalleen “Daawo Sawirada”

Lamaane u dhashay dalka Shiinaha ayaa waxay qaati ka taagan yihiin wiil yar oo ay dhalleen, kadib markii ay soo wajahday cayil aad u baahsan, taasoo ay...
Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda London ee dalka Ingiriiska (Dhacdo Naxdin Leh)

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda London ee dalka Ingiriiska (Dhacdo Naxdin Leh)

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee London, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane Somaliyadeed oo in mudo ah wada-socday, welibana isguursaday. Wiilka...
Tuulo ku taala Pakistan Oo Hilib ku filan Ilaahay uu siiyay !!!!

Tuulo ku taala Pakistan Oo Hilib ku filan Ilaahay uu siiyay !!!!

Ilaahay isaga ayaa arzaaqo Aadmiga waxa uuna ku arzaaqaa ma uu siiyaa waxa uu doono isagoon cidna kala tashan waxa uu siinayo Adoomadiisa cid kale oo koonkaan...