WAR DEG DEG: Agaasimihii Idaacada Shabelle oo caawa lagu dillay Magaaladda Muqdisho

Published on Jan 28 2012 By: Dhaliye //  459 views  // Wararka Somalia


Waxaa caawa fiidkii Magaaladda Muqdisho lagu dillay Allaha u naxariistee Agaasimihii Idaacada Shabelle ee Magaaladda Muqdisho, iyadoo ay dilkiisa geysteen rag hubeysan, oo aan la-garaneyn waxa ay yihiin.

Rag bistoolado ku hubeysan ayaa waxay Agaasimihii Idaacada Shabelle ee Magaaladda Muqdisho Xasan Cusmaan Cabdi “Xasan Fantastic”, ay ku dilleen Xaafadda Nasteexa ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Xasan Cusmaan Cabdi “Xasan Fantastic” kahor inta uusan dhiman ayaa waxaa loogula cararay cisbitaalka Madiina ee Magaaladda Muqdisho si halkaasi wax looga qabto xaaladiisa caafimaadeed, hase yeeshee taasi ayaan suurta gellin.

Geerida ku timid marxuum Xasan Cusmaan Cabdi “Xasan Fantastic”, ayaa waxaa baahisay Idaacada Shabelle ee Magaaladda Muqdisho, waxayna qirtay inay dilleen rag hubeysan oo aan heybtooda la-aqoonsan.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay dhawr jeer ay hanjabaado xoogan ugu jeedisay Xasan Cusmaan Cabdi “Xasan Fantastic”, isagoo si weyn uga soo horjeeda Xoogaga Shabaab, oo uu kala dhaxeeyay khilaafaad xoogan.

Related posts:

  1. Wariye u dhashay dalka Malaysia oo caawa lagu dillay magaaladda Muqdisho iyo mid kale oo uu dhaawac soo gaaray
  2. Gabar Wariyad ah oo caawa lagu dillay Waqooyiga Magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug
  3. WAR DEG DEG: Wariye caan ah oo goor dhaw lagu dillay magaaladda Muqdisho
  4. Wararkii ugu dambeeyay qaabka rasmiga ah ee loo-dillay Xildhibaan maanta lagu toogtay magaaladda Muqdisho
  5. Gabar dhalinyaro ah oo lagu dillay magaaladda Muqdisho iyo Xarakada Al Shabaab oo ka dambeysay

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Ciyaarta Dibiga oo dhin ay ka soo gaarto dadka ciyaara & Iskiimoos !!!

Ciyaarta Dibiga oo dhin ay ka soo gaarto dadka ciyaara & Iskiimoos !!!

Ciyaarta Dibigi ayaa ka mid ah ciyaaraha loogu jeceel badanyahay aduunka gaar ahaan wadamada Yurubta iyo waliba Laataan Ameerica oo ay tahay ciyaar aad...
Ikraan Caraale ” waxaan jeclahay raga qaada Jiimka”

Ikraan Caraale ” waxaan jeclahay raga qaada Jiimka”

Inta badan aduunka aan ku noolnahay haatan waxaa ka jira dagaal dhanka jirka ah kaa oo ugu danbeyntii si aan caadi aheyn dhaqan u noqday ragga aduunka...
Waalidiin qir iyo qar ka joogga wiil yar oo ay dhalleen “Daawo Sawirada”

Waalidiin qir iyo qar ka joogga wiil yar oo ay dhalleen “Daawo Sawirada”

Lamaane u dhashay dalka Shiinaha ayaa waxay qaati ka taagan yihiin wiil yar oo ay dhalleen, kadib markii ay soo wajahday cayil aad u baahsan, taasoo ay...
Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda London ee dalka Ingiriiska (Dhacdo Naxdin Leh)

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda London ee dalka Ingiriiska (Dhacdo Naxdin Leh)

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee London, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane Somaliyadeed oo in mudo ah wada-socday, welibana isguursaday. Wiilka...
Tuulo ku taala Pakistan Oo Hilib ku filan Ilaahay uu siiyay !!!!

Tuulo ku taala Pakistan Oo Hilib ku filan Ilaahay uu siiyay !!!!

Ilaahay isaga ayaa arzaaqo Aadmiga waxa uuna ku arzaaqaa ma uu siiyaa waxa uu doono isagoon cidna kala tashan waxa uu siinayo Adoomadiisa cid kale oo koonkaan...