Daawo Sawirada: Madaxa Igad oo shir balaaran ugu soo afjarmay Magaaladda Addis Ababa iyo arrimaha Somaliya oo si weyn looga hadlay
Madaxda Urur Goboleedka Igad ayaa shirkoodii 20-aad uga furmay Magaaladda Addis Ababa ee Xaruunta Wadanka Itoobiya, waxaana looga hadlay arrimo quseysa Wadamada Somaliya iyo Koonfurta Suudaan.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya hogaamiyaasha wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, Wakiilada ururada Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabta.
Shirka Magaaladda Addis Ababa ayaa waxaa shir gudoominaayay Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Meles Zenawi, isagoo shirka ku daah furay in looga hadlaayo arrimaha Somaliya iyo Koonfurta Suudaan oo qura.
Shirka oo Jimcihii shalay Magaaladda Addis Ababa lagu soo afjaray, ayaa waxaa leesku raacay in la-kordhiyo Ciidamadda Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, si markaasi looga adkaato Xoogaga Shabaab, oo loo-arko mid halis ku ah ammaanka Geeska Afrika.
Waxaa la-fillaayaa in dhawaan Magaaladda Muqdisho ay soo saaraan Ciidamadda kun gaaraaya oo ka socda dhinaca Wadanka Sierra Leone, kuwaa oo qeyb ka noqon doona Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.





Related posts:
- Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaaladda Addis Ababa iyo shir balaaran oo maanta ka furmanaaya
- Shirar xasaasi ah oo ka dhacay magaaladda Addis Ababa iyo Madaxweyne Shariif oo ka qeyb gallay “Maxaa laga wada hadlay”?
- Kullan balaaran oo maanta ka dhici doono magaaladda Addis Ababa “Kullanka Yuu Dhex Mari Doonaa”?
- Madaxweynaha Soomaaliya oo si deg deg ah ku gaaray magaaladda Addis Ababa iyo kullan xasaasi ah oo ka dhici doona
- Shir uu hogaamnaayay Wasiirka Gaanshaandhiga ee Soomaaliya oo looga hadlay Somaliya “Maxaa looga hadlay + Warbixin”
|
|







