Ciidamadda Itoobiya oo kala jaray Magaaladda Baladweyne iyo shacabka oo qaylo dhaan ka muujinaaya?
Tan iyo markii Ciidamadda Dowladda Itoobiya qarax culus lagula beegsaday aafafka hore ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ee Magaaladda Baladweyne, ayaa waxay bilaabeen inay cuna-qabateen ku soo roggaan shacabka ku dhaqan Magaaladda Baladweyne.
Buundada Liiq Liiqato oo ah bundada isku xirta labada qeybood ee Magaaladda Baladweyne, ayaa waxay Ciidamadda Dowladda Itoobiya ay bilaabeen inay shacabka u diidaan waqtiyada qaarkood, waxayna taasi shacabka ugu yeereyn in Baladweyne oo loo-kala jaray laba qeybood.
“Ciidamadda Itoobiya waxay sameeyaan inay laba u kala jaraan Magaaladda Baladweyne waqtiyada qaarkood, hadda fiiri saakay waxay xireyn 6:30am subaxnimo, hadana waxay fureyn 10:30am baqrinimo, hadana waxay xirayaan 3:00pm, maalin walba sidaasi ayay yeellaan” ayuu yiri Axmed Cabdalla Muuse, oo ka mid ah dhalinyarada reer Baladweyne.
“Haddii magaaladda waqtigii la-rabo la-xiraayo lana furaayo, soo maaha in magaaladda ay u kala jaran tahay Ciidamadda Itoobiya, dadka reer Baladweyne waxay dhahaan marka ay waalidkooda la-hadlayaan ama asxaabtooda, maanta Baladweyne way jaran tahay, oo Ciidamadda Itoobiya ayaa laba u kala jaray” ayuu markale yiri Axmed Cabdalla Muuse.
Arintaan ayaa waxaa si weyn uga qaylo dhaaminaaya shacabka ku dhaqan Magaaladda Baladweyne, oo loo-ogolaaday in saacado kooban oo kaliya ay iskugu socdaan labada qeybood ee Magaaladda Baladweyne, waxayna dalbanaayaan in sidaan laga daayo.
Tani ayaa waxay si weyn saameyn xoogan ugu yeellaneysaa ganacsatada reer Baladweyne, maadaama ganacsiga Gobolka Hiiraan uu ku tiirsan yahay ganacsiga, haddii tani ay sii socotana ganacsigoodu wuxuu noqon doonaa, mid hoos u dhac ku yimaada.
Related posts:
- Shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho oo bilaabay inay qaylo dhaan ka muujiyaan madaafiicda xoogan ee ka soconeysa Magaaladda Muqdisho
- Raa’isal Wasaaraha Itoobiya oo shaaca ka qaaday in Ciidamadda Itoobiya aysan ka soo bixi doonin Magaaladda Baladweyne, ilaa?
- Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo u soo qalab qaatay magaaladda Baladweyne iyo dagaalo laga cabsi qabo
- Dagaalo xoogan oo Magaaladda Baladweyne ku dhex maray Ciidamadda Itoobiya iyo Xarakada Al Shabaab
- Ciidamadda Milatariga ee Itoobiya oo maanta shaqo culus ka sameeyay Magaaladda Baladweyne “Top News”
|
|







