Al Shabaab oo dagaalo culus la-gashay Ciidamadda Amisom iyo Dowladda, khasaro ay geysteen iyo Al Shabaab oo guulo ka sheegatay

Published on Jan 28 2012 By: Dhaliye //  582 views  // Wararka Somalia


Xoogaga Shabaab ayaa waxay dagaalo xoogan ay ku soo qaadeen Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, waxayna dagaaladaan geysteen khasaarooyin kala duwan.

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo hubka cul culus ku hubeysan, ayaa waxay dagaalo xoogan ay Ciidamadda Dowladda iyo Amisom ay xalay kula galleen Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, isla-markaana dagaalada ayaa waxay labada dhinac ay ka soo kala gaareyn khasaarooyin kala duwan.

Dagaaladaan oo ka dhacay deegaano ka tirsan Degmada Heliwaa, ayaa waxay xoogoodu ka kala dhaceen Al Cadaala, Isgoyska SOS iyo Saldhiga Degmada Heliwaa, waxayna dagaaladu ay baqdin xoogan ku beereyn shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho.

Dagaaladaan ayaa waxaa barbar socday madaafiic xoogan oo ay ridayeen Ciidamadda Amisom, wallow aysan wax khasaaro ah ka soo gaarin shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho, ayaa waxay hadana cabsi xoogan ay ku beereyn shacabka.

Labada dhinac ayaa waxay dagaalada ka soo kala gaareyn khasaarooyin iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo khasaaraha soo kala gaaray aan si dhab ah loo-ogeyn, ayaa waxaa hadana dhimashada lagu sheegay ilaa 4 askari oo labada dhinac ah.

Sheekh Maxamed Daahir oo ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab ee Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu qiray inay iyagu qaadeen dagaaladaasi, isagoo intaasi ku daray inay khasaaro xoogan ugu geysteen waxa uu ugu yeeray cadowga.

Dagaalada iyo duqeymaha habeenadaan ka soconaaya Magaaladda Muqdisho oo noqday kuwo joogto ah, ayaa waxaa si weyn uga horyimid shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho, oo dalbaday in madaafiicda laga kala qafiifiyo.

Related posts:

  1. Xarakada Al Shabaab oo guulo balaaran ka sheegatay dagaalo xoog leh oo ay la-gashay Dowladda Soomaaliya
  2. Dagaalo culus oo ka dhacay deegaanka Hees iyo Dowladda oo guulo balaaran ka sheegatay
  3. Dagaalo xoogan oo dhex maray Ciidamadda Shabaab iyo Kenya iyo Al Shabaab oo guulo ka sheegatay
  4. Dowladda Soomaaliya oo guulo balaaran ka sheegatay dagaalo culus oo ka dhacay degmada Ceelwaaq
  5. Xarakada Al Shabaab oo guulo balaaran ka sheegatay dagaalo culus oo ka dhacay magaalada Dhuusa Mareeb

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Ciyaarta Dibiga oo dhin ay ka soo gaarto dadka ciyaara & Iskiimoos !!!

Ciyaarta Dibiga oo dhin ay ka soo gaarto dadka ciyaara & Iskiimoos !!!

Ciyaarta Dibigi ayaa ka mid ah ciyaaraha loogu jeceel badanyahay aduunka gaar ahaan wadamada Yurubta iyo waliba Laataan Ameerica oo ay tahay ciyaar aad...
Ikraan Caraale ” waxaan jeclahay raga qaada Jiimka”

Ikraan Caraale ” waxaan jeclahay raga qaada Jiimka”

Inta badan aduunka aan ku noolnahay haatan waxaa ka jira dagaal dhanka jirka ah kaa oo ugu danbeyntii si aan caadi aheyn dhaqan u noqday ragga aduunka...
Waalidiin qir iyo qar ka joogga wiil yar oo ay dhalleen “Daawo Sawirada”

Waalidiin qir iyo qar ka joogga wiil yar oo ay dhalleen “Daawo Sawirada”

Lamaane u dhashay dalka Shiinaha ayaa waxay qaati ka taagan yihiin wiil yar oo ay dhalleen, kadib markii ay soo wajahday cayil aad u baahsan, taasoo ay...
Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda London ee dalka Ingiriiska (Dhacdo Naxdin Leh)

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda London ee dalka Ingiriiska (Dhacdo Naxdin Leh)

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee London, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane Somaliyadeed oo in mudo ah wada-socday, welibana isguursaday. Wiilka...
Tuulo ku taala Pakistan Oo Hilib ku filan Ilaahay uu siiyay !!!!

Tuulo ku taala Pakistan Oo Hilib ku filan Ilaahay uu siiyay !!!!

Ilaahay isaga ayaa arzaaqo Aadmiga waxa uuna ku arzaaqaa ma uu siiyaa waxa uu doono isagoon cidna kala tashan waxa uu siinayo Adoomadiisa cid kale oo koonkaan...