Xarakada Al Shabaab oo sameysay arin layaab leh oo aan horey looga baran “Shabaab iyo layaabka Somalida”
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay caadeysatay in dhinac walba ay kala dagaalanto bulshada Somaliyeed, iyadoo markaasi la-xiriirineysa hadba wixii xilligaasi taagan, haddii ay bulshada Somaliyeed iska diido.
Gudoomiyaha Degmada Afgooye ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Abuu Ramla, ayaa wuxuu maal-mahaan oo dhan uu waday inuu taageero ka hello dhalinyarada ku dhaqan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, si markaasi ay uga dhinac dagaalamaan Al Shabaab.
Dhalinyarada ku dhaqan Degmada Afgooye, ayaa waxay dhagaha ka fureysteen baaqyadii isdaba-joogga ahaa ee uu u soo jeedinaayay Sheekh Abuu Ramla, isla-markaana waxay taasi keentay inay si weyn uga caroodaan Saraakiisha Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhalinyaro shalay galab kubad ku ciyaareysay garoon ku yaalla Degmada Afgooye, ayaa waxaa u yimid dagaal-yahanada Al Shabaab, waxayna dhalinaradaasi ay tiradoodu gaareysay ilaa 8 dhalinyaro ah, isla-markaana waxay ka wateen goobtaasi shantii ugu xoogga weyneyd, oo ay markaasi isdhihi kareyn iyagaa ugu waaweyn, iyagoo markaasi leh waa basaasiin.
Sheekh Abuu Ramla oo wareysi siiyay Idaacada ku hadasha afka Al Shabaab, ayaa wuxuu sheegay in dhalinyarada ay soo qabteen ay yihiin kuwo basaasiin ah oo la-shaqeeya sida uu yiri Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Arintaan oo layaab xoogan ku noqotay shacabka ku dhaqan Degmada Afgooye, ayaa waxay qaarkood u hadal-hayaan si weyn oo ay layaab ka muujinayaan, hadalka ka soo yeeray Sheekh Abuu Ramla, isla-markaana waxay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan hadalkaasi.
Xoogaga Shabaab ayaa caado ka dhigtay haddii ay taageero ka waayaan bulshada Somaliyeed, inay dusha u saariyaan wax-yaabo aan meeshaba oolin, lamana oga waxa uu ku damben doono mustaqbalka shantaasi wiil ee dhalinyarada ah.
Related posts:
- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo arin layaab leh oo aan horey looga baran ka sameeyay Magaaladda Muqdisho?
- Xarakada Al Shabaab oo maanta arin layaab leh ka sameysay magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
- Al Shabaab oo maanta shaaca ka qaaday hanjabaado cajiib ah oo aan horey looga baran
- Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya oo soo saaray digniin culus oo aan horey looga baran
- Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday hadal layaab leh oo aan horey looga maqlin oo ku aadan Al Shabaab?
|
|







