Dowladda Somaliya oo sheegtay in dagaalo culus Al Shabaab looga furi doono Gobolada Gedo, Baay, Bakool iyo Jubbooyinka
Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo dagaalo culus kula jirta Xoogaga Shabaab, ayaa waxay xilligaan dooneysaa inay dagaalo culus uga furtay Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, si markaasi Shabaab ay ugu fashilmaan dagaalada.
Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise, oo shalay dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu Warbaahinta uu kula hadlay Magaaladda Muqdisho.
Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay balaarineyso dagaalada culus ee ay kula jirto Xarakada Al Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay inay doonayaan inay kala wareegaan Gobolada Koonfureed oo idil, isagoo intaasi ku daray in Xoogaga Shabaab ay dagaalo balaaran uga furi doonaan Gobolada Gedo, Bakool, Baay, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.
Wasiirka ayaa wuxuu ku nuux-nuux-saday in Al Shabaab ay dhibaato oo idil ay ku heyso shacabka Somaliyed, maxaa yeelay buu yiri waa kuwo u taagan wax-yeeleenta shacabka Somaliyeed, isagoo intaasi ku daray inay taasi kahor taggi doonaan.
Dhanka kale Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise, ayaa wuxuu sheegay in Xoogaga Shabaab ay ka dhinac dagaalamaan dhalinyaro Somaliyeed, oo uu sheegay inay khaladay Al Shabaab.
Dhalinyaradaasi ayaa wuxuu Waasiirka Gaanshaandhiga uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in laga soo badbaadiyo gacanta Xoogaga Shabaab, oo uu xusay inay yihiin kuwo doonaaya inay dhabar-gooyaan dhalinta Somaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay’e.
Xarakada Al Shabaab oo uu xilligaan ku furan yahay dagaalo balaaran, ayaa waxaa hadana goobo badan looga qabsaday dagaalada culus ee ay kula jirto Ciidamadda Dowladaha Somaliya, Itoobiya, Kenya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
Related posts:
- Dowladda oo sheegtay inay qabsan doonto Gobolada, Jubbooyinka, Baay iyo Bakool
- Xarakada Al Shabaab oo sheegtay inay si weyn ula socoto weeraro ay Dowladda ku qaadeyso Gobolada Baay iyo Bakool
- Dagaalo faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Gedo, Dowladda Somaliya iyo Shabaab oo guulo ka kala sheegtay
- Dowladda Somaliya oo shaaca ka qaaday in muddo cayiman ay ku qabaneyso Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka “Top News”
- Dowladda Somaliya iyo Ahlu Sunna oo maanta ku dhawaaqay dagaalo kala bax ah oo Shabaab looga saaraayo Gedo
|
|







