Raa’isal Wasaaraha Itoobiya oo shaaca ka qaaday in Ciidamadda Itoobiya aysan ka soo bixi doonin Magaaladda Baladweyne, ilaa?

Published on Jan 28 2012 By: Dhaliye //  379 Reads  // Wararka Somalia


Raa’isal Wasaaraha Itoobiya ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Dowladda Itoobiya ay sii jooggi doonaan gudaha Wadanka Soomaaliya, wuxuu sheegay inaysan ka soo bixi doonin, sharuud la’aan.

Raa’isal Wasaaraha Dowladda Itoobiya Melez Zenawi, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ay baaqi ku sii ahaan doonaan Magaaladda Baladweyne, haddii ay ka soo baxayaana ay uga soo bixi doonaan, Ciidamadad Amisom oo yimaada Magaaladda Baladweyne.

Raa’isal Wasaaraha ayaa wuxuu tilmaamay haddii Ciidamadda Amisom ay yimaadaan Magaaladda Baladweyne, ay markaasi ka bixi doonaan Ciidamadda Itoobiya, haddii kale wuxuu sheegay in Al Shabaab ay ku soo laaban doonto.

Wuxuu sheegay in Al Shabaab ay u diidan yihiin inay dib ugu soo laabato Magaaladda Baladweyne, maxaa yeelay buu yiri waa koox argagaxiso ah oo khatar badan ku ah Wadamda ku yaalla Geeska Afrika.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay taageero siinayaan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, isagoo xusay in si ku meel gaar ah ay Baladweyne ugu sii ilaalinayaan Dowladda, ilaa ay ka imaanayaan Ciidamadda Amisom, oo u taagan garab-siinta Dowladda.

Raa’isal Wasaaraha Dowladda Itoobiya Melez Zenawi, ayaa wuxuu ugu dambeen uu ku nuux-nuux-saday in Ciidamadda Dowladda Itoobiya aysan ka soo bixeyn Magaaladda Baladweyne, ilaa Baladweyne laga keenaayo Ciidamadda Amisom, haddii kale wuxuu sheegay in Al Shabaab ay dib u qabsaneyso.

Related posts:

  1. Maraykanka oo sheegay in Ciidamadda Itoobiya aysan waxba ku soo kordhin doonin dalka Soomaaliya
  2. Al Shabaab oo shaaca ka qaaday in qaraxyada Magaaladda Baladweyne ay noqon doonaan kuwo taxana ah
  3. Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo u soo qalab qaatay magaaladda Baladweyne iyo dagaalo laga cabsi qabo
  4. WAR DEG DEG: Wasaaradda Gaanshaandhiga oo shaaca ka qaaday in Magaaladda Baladweyne oo dhan ay xur tahay
  5. Ciidamadda Milatariga ee Itoobiya oo maanta shaqo culus ka sameeyay Magaaladda Baladweyne “Top News”

1 Comment

  1. ahmed says:

    soo laabashad wayaaniga saliibiga beled-weyn waa damac-cusub iyo riyo ku saleysan gumaysi dad soomaaliyeed la galiyo , kol haday markii hore iska qaaadeen heeryada tigreega, waxay la mid tahay waan ku lagdi waayay kolkii hore ee markale iigu celi. qaacidada la isticmaalayna qurux badanaa (maamulka dooxada shabeele , ciidamada dawladda ku meelgaarka ah oo kaashanaya walaalahooda ciidamada eithopia) ayaa la wareegay maamulka Beledweyne. waa naxdin iyo layaab i kuwa xasuuqii muqdisho gaystay ay marlabaad isticmaalaan (same-language).

    ilaahay qowm ma duleeyo illaa ay iyagu gamcahooda isku duleeyaan, taariiq cusub bay noqonaysaa beledweyne shacabka dagan inuu amxaaro injireey saliibi ah ahal ka dhigto. caqliga saliimka ahna waxuu leeyahay bari iyo galbeed beledweyne hawkala qaadine wadajir u dagaalama oo xornimo mideysan iyo guul gaara, oo iska daaya qodqodnaanta iyo xaa iiga galayda reer hebel waa ku kali dagaalka, anuguse Uftopianka aan la shaqeysahaa.
    kuwan aan ajnabigana kaa celin karin iyagana aan ku dhaafeyna waa sida maangaabku aaminsan yahaye ee magaca mujaahidka watana ogoow inaad isku hayb tahiin waxbadanna idinka dhaxeeyaan.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arin argagax iyo naxdin leh oo dhex martay wiil iyo gabar oo isku ahaa ilma abti iyo ilma eedo

Arintaan oo runtii ah mid aad u naxdin badan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Aadan iyo Suraya, dad ku dhaw dhaw Aadan...
Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Awoode Eebe waa mid wax ku qaadasho mudan!!! Daawo Muuqaaladaan

Allihi na abuurtay ayaa leh awood oo dhan kaa oo ah midka xukuma aduunka aan ku noolnahay waxa uuna awood u leeyahay in uu sameysto waxa uu doono iyo sida...
Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhatarkii kaalinta ka qaaday dilka Osama oo la xukumay!!!!

Dhakhtar u dhashay dalka Pakistan oo ka caawiyey sirdoonka dalka Maraykanka dilkii loo geystey Osama Bin Laden ayaa lagu xukumay soddon sano oo xarig ah. Shakil...
Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi oo iska gooyay GUSKA + Daawo Sawirada

Nin u dhashay dalka Malawi ayaa wuxuu iska jaray xubintiisa taranka, kadib markii uu u baahday lacago, si’uu u helo lacagaha uu u baahan yahay ayaa wuxuu...
Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

Ma taqaanaa maalinta beenta ay u yaqaaniin ….

1da April, dadka aaminsan Christianity- ga waxa ay u yaqaanaan APRIL FOOLS’S DAY{ beenta April.} waxaase in la is waydiiyo mudan maalintan maxay...