Raa’isal Wasaaraha Itoobiya oo shaaca ka qaaday in Ciidamadda Itoobiya aysan ka soo bixi doonin Magaaladda Baladweyne, ilaa?
Raa’isal Wasaaraha Itoobiya ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Dowladda Itoobiya ay sii jooggi doonaan gudaha Wadanka Soomaaliya, wuxuu sheegay inaysan ka soo bixi doonin, sharuud la’aan.
Raa’isal Wasaaraha Dowladda Itoobiya Melez Zenawi, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ay baaqi ku sii ahaan doonaan Magaaladda Baladweyne, haddii ay ka soo baxayaana ay uga soo bixi doonaan, Ciidamadad Amisom oo yimaada Magaaladda Baladweyne.
Raa’isal Wasaaraha ayaa wuxuu tilmaamay haddii Ciidamadda Amisom ay yimaadaan Magaaladda Baladweyne, ay markaasi ka bixi doonaan Ciidamadda Itoobiya, haddii kale wuxuu sheegay in Al Shabaab ay ku soo laaban doonto.
Wuxuu sheegay in Al Shabaab ay u diidan yihiin inay dib ugu soo laabato Magaaladda Baladweyne, maxaa yeelay buu yiri waa koox argagaxiso ah oo khatar badan ku ah Wadamda ku yaalla Geeska Afrika.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay taageero siinayaan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, isagoo xusay in si ku meel gaar ah ay Baladweyne ugu sii ilaalinayaan Dowladda, ilaa ay ka imaanayaan Ciidamadda Amisom, oo u taagan garab-siinta Dowladda.
Raa’isal Wasaaraha Dowladda Itoobiya Melez Zenawi, ayaa wuxuu ugu dambeen uu ku nuux-nuux-saday in Ciidamadda Dowladda Itoobiya aysan ka soo bixeyn Magaaladda Baladweyne, ilaa Baladweyne laga keenaayo Ciidamadda Amisom, haddii kale wuxuu sheegay in Al Shabaab ay dib u qabsaneyso.
Related posts:
- Maraykanka oo sheegay in Ciidamadda Itoobiya aysan waxba ku soo kordhin doonin dalka Soomaaliya
- Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo u soo qalab qaatay magaaladda Baladweyne iyo dagaalo laga cabsi qabo
- Al Shabaab oo shaaca ka qaaday in qaraxyada Magaaladda Baladweyne ay noqon doonaan kuwo taxana ah
- Dagaalo xoogan oo Magaaladda Baladweyne ku dhex maray Ciidamadda Itoobiya iyo Xarakada Al Shabaab
- Ciidamadda Milatariga ee Itoobiya oo maanta shaqo culus ka sameeyay Magaaladda Baladweyne “Top News”
|
|








1 Comment
soo laabashad wayaaniga saliibiga beled-weyn waa damac-cusub iyo riyo ku saleysan gumaysi dad soomaaliyeed la galiyo , kol haday markii hore iska qaaadeen heeryada tigreega, waxay la mid tahay waan ku lagdi waayay kolkii hore ee markale iigu celi. qaacidada la isticmaalayna qurux badanaa (maamulka dooxada shabeele , ciidamada dawladda ku meelgaarka ah oo kaashanaya walaalahooda ciidamada eithopia) ayaa la wareegay maamulka Beledweyne. waa naxdin iyo layaab i kuwa xasuuqii muqdisho gaystay ay marlabaad isticmaalaan (same-language).
ilaahay qowm ma duleeyo illaa ay iyagu gamcahooda isku duleeyaan, taariiq cusub bay noqonaysaa beledweyne shacabka dagan inuu amxaaro injireey saliibi ah ahal ka dhigto. caqliga saliimka ahna waxuu leeyahay bari iyo galbeed beledweyne hawkala qaadine wadajir u dagaalama oo xornimo mideysan iyo guul gaara, oo iska daaya qodqodnaanta iyo xaa iiga galayda reer hebel waa ku kali dagaalka, anuguse Uftopianka aan la shaqeysahaa.
kuwan aan ajnabigana kaa celin karin iyagana aan ku dhaafeyna waa sida maangaabku aaminsan yahaye ee magaca mujaahidka watana ogoow inaad isku hayb tahiin waxbadanna idinka dhaxeeyaan.