Shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho oo bilaabay inay qaylo dhaan ka muujiyaan madaafiicda xoogan ee ka soconeysa Magaaladda Muqdisho

Published on Jan 28 2012 By: Dhaliye //  311 views  // Wararka Somalia


Shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho oo looga bartay inay u adkeystaan dagaalada iyo duqeymaha ka soconaaya Magaaladda Muqdisho, ayaa waxay bilaabeen inay qaylo dhaan xoogan ka muujiyaan duqeymaha xoogan ee ka soconaaya Magaaladda Muqdisho.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku dhawaaqday inay kordhisay dagaalada ay ka wado Magaaladda Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana sheegtay in dagaalada ay noqon doonaan kuwo aad u culus.

Waxay taasi keentay in Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom marka ay soo weeraraan Xoogaga Shabaab, inay ugu jawaabaan hubka cul culus oo ruxaaya inta badan Magaaladda Muqdisho, isla-markaana waxay cabsi xoogan ku beertay shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho.

Shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho ayaa waxay idaacadaha ku yaalla Magaaladda Muqdisho ay ka jeedinayaan qaylo dhaan xoogan, iyagoo markaasi dalbanaaya in laga qafiifiyo madaafiicda xoogan ee habeenadaan ka soconeysa Magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale wax-garadka ku dhaqan Magaaladda Muqisho, ayaa waxay Dowladda Somaliya ay u soo jeediyeen in la-xakameeyo hubka faraha badan leh ee dhawaqa xoogan sameynaaya, in laga yareeyo shacabka reer Muqdisho, bacdamaa ay u diideen hurdada inay ladaan.

Habeenadaan ayaa waxaa Magaaladda Muqdisho ka soconeysa madaafiic xoogan oo ay ridayaan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, iyagoo markaasi ugu jawaabaaya Xoogaga Shabaab oo weeraro ku soo qaadaya.

Related posts:

  1. Xukuumadda Somaliya oo qaylo dhaan xoogan ka muujisay qaraxyada ka dhacaaya magaaladda Muqdisho
  2. Isimada Puntland oo qaylo dhaan xoogan u diray shacabka reer Puntland ee Wadamada Qurbaha ku dhaqan
  3. Dagaalo xoogan oo caawa ka soconaaya magaaladda Muqdisho iyo madaafiicda oo caasimadda laga maqlaayo
  4. Shacabka ku dhaqan M/Muqdisho oo bilaabay qaab cusub oo ay kula dagaalamayaan Madaxweyne Shariif
  5. Xarakada Al Shabaab oo digniino u jeedisay shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho “Warbixin”

1 Comment

  1. ahmed says:

    shacabka reer muqdisho waxaa haboon inay kacaan si wadajir ahna ugu dhiidhiyaan madaafiicda joogtada ah ee habeen walba lagu mirayo shacabka, hana ogaadeen in cid ka celinaysa madaafiicda oo aan iyaga ahayn inaanay jirin, qolyooyinkan calooshood u shaqeysatada ah ee daayeerada afrikaanka ah, iyo maxaysatada dilaalinta dawlad ku sheeg ah, labadaba waxaa biila cadawga jiritaanka umadda somaliyeed.
    war kaca oo xitaa dibad -bax sameeya , muujiya dareenkiina ilayn xabad joogto ah ilaahay idinma qorine, caalamkana tusa in baadil uu yahay gardarada laydinku hayo ee cidna aanay idin naxayn labada dhinacba.

    hadaad mikdowdaan ee dhamaan soo dibadbaxdaan (daayeertu weydinka tagi lahayd) waa amison, dabadhilfkuna siima joogeen ilayn iyagaa wardiyeyee, balse hadal qura u malayn maayo inuu socon doono
    kaca oo kaca dibad baxa. somali somali baa leh ee uganda, tanzania, burundi iyo noocwalba oo daayeer qaabkii leh malaha ,

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Ciyaarta Dibiga oo dhin ay ka soo gaarto dadka ciyaara & Iskiimoos !!!

Ciyaarta Dibiga oo dhin ay ka soo gaarto dadka ciyaara & Iskiimoos !!!

Ciyaarta Dibigi ayaa ka mid ah ciyaaraha loogu jeceel badanyahay aduunka gaar ahaan wadamada Yurubta iyo waliba Laataan Ameerica oo ay tahay ciyaar aad...
Ikraan Caraale ” waxaan jeclahay raga qaada Jiimka”

Ikraan Caraale ” waxaan jeclahay raga qaada Jiimka”

Inta badan aduunka aan ku noolnahay haatan waxaa ka jira dagaal dhanka jirka ah kaa oo ugu danbeyntii si aan caadi aheyn dhaqan u noqday ragga aduunka...
Waalidiin qir iyo qar ka joogga wiil yar oo ay dhalleen “Daawo Sawirada”

Waalidiin qir iyo qar ka joogga wiil yar oo ay dhalleen “Daawo Sawirada”

Lamaane u dhashay dalka Shiinaha ayaa waxay qaati ka taagan yihiin wiil yar oo ay dhalleen, kadib markii ay soo wajahday cayil aad u baahsan, taasoo ay...
Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda London ee dalka Ingiriiska (Dhacdo Naxdin Leh)

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda London ee dalka Ingiriiska (Dhacdo Naxdin Leh)

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee London, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane Somaliyadeed oo in mudo ah wada-socday, welibana isguursaday. Wiilka...
Tuulo ku taala Pakistan Oo Hilib ku filan Ilaahay uu siiyay !!!!

Tuulo ku taala Pakistan Oo Hilib ku filan Ilaahay uu siiyay !!!!

Ilaahay isaga ayaa arzaaqo Aadmiga waxa uuna ku arzaaqaa ma uu siiyaa waxa uu doono isagoon cidna kala tashan waxa uu siinayo Adoomadiisa cid kale oo koonkaan...