Puntland oo taageertay howlgalkii Maraykanka (War-saxaafadeed)

Published on Jan 27 2012 By: Afaaro //  177 views  // Wararka Somalia


Wasaarada Gaadiidka Badda, Dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda

Dowlada Puntland waxay si aad ah u taageersan tahay howgalkii ay cidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanku kusoo furteen Jessica Buchanan iyo Dane Poul oo ah labo qof oo shaqaalaha gargaarka ka tirsan kuwaas oo u kala dhashay dalalka Maraykanka iyo Denmark oo ay kooxaha Burcad-badeeda Soomaalidu ka qabsadeen koonfurta magaalada Gaalkacayo bishii October ee sanadkii tegey mudo dhowr bilood ahna ay ku haysteen deegaano ka tirsan gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Puntland waxay ugu baaqaysaa dowladaha kale ee ay ka dhasheen dadka Ajaanibta ah ee lagu haysto Soomaaliya inay qaadaan tallaabo lamid ah midda ay dowlada Maraykanku qaaday, si looga hortago khatarta Burcad-badeeda iyo kooxaha kale ee caadeystey qafaalashada shaqaalaha gargaarka ee dalka u yimid si ay dadka Soomaaliyeed u caawiyaan, kooxahaas oo luqada keliya ee ay fahmi karaani ay tahay in si adag loola dhaqmo oo aan loo naxariisan.

Wasaarada Gaadiidka badda, Dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland waxay si gaar ah hanbalyo u direysaa dowlada Turkiga iyo quwadaha kale ee howlgalka la dagaalanka Burcad-badeeda u jooga badda Soomaaliya, iyadoo ka codsanaysa inay howgaladooda balaariyaan kana caawiyaan dowlada Puntland sidii Burcadda dhinaca beriga oo ah halka ay ka duulaan tagaan loogala dagaalami lahaa.

Shirkadaha iyo shakhsiyaadka iska leh maraakiibta ku jira gacanta Burcad-badeeda waxay dowlada Puntland iyagana ku boorineysaa kuna adkeyneysaa in aysan ku deg degin bixinta lacagaha ay kooxaha jirri badeeda ahi madax furasho ahaanta u dalbadaan, lagacagaha ay qaataan Burcad badeedu waxay qayb weyn ka qaataan kororka weerarada Burcadda iyo in dad badani ay ku dhiiradaan, sidaas darteed si taas looga hortago waa in aan wax lacag ah la siin.

Wasaaradu waxay sidoo kale si gaar ah dowlada Turkiga ugaga mahad celineysaa taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab istaagtay shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan xiligii ay abaaruhu dalka ku dhufteen iyo weliba sida ay mar walba ugu heelan tahay caawimaada ummadda Soomaaliyeed, waxaa hanbalyo iyo bogaadin gaar ah mudan Baarlamaanka Turkiga oo iyagu wakhtiga u kordhiyey ciidamadooda badda ee howlgalka la dagaalanka Burcad-badeeda u jooga badaha deriska la ah Soomaaliya uguna daray 2-sano oo danbe.

Ugu danbeyntii Wasiirka Gaadiidka Badda, Dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Mudane Siciid Maxamed Raage waxa uu baaq u dirayaa dadka ku howlan, kuwa ku talo jira, iyo dhamaan dadka Soomaaliyee inay ka waantoobaan falalka Burcad-badeednimada iyo kuwa argagixisada oo ah kuwo aan anshaxa iyo dhaqanka suuban ee Islaamka iyo kan Soomaalidaba ku habooneyn.

Waxaa ku saxiixan
Wasiirka Gaadiidka Badda, Dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland

Mudane: Eng. Siciid Maxamed Raage

Related posts:

  1. Maamulka Puntland oo maanta hanjabaado culus u jeediyay Universal Tv iyo Somali Channel “War Saxaafadeed”
  2. Dowladda Maraykanka oo soo bandhigtay sawirka wiilkii Maraykanka ka yimid ee Amisom isku qarxiyay “Daawo Sawirkiisa”
  3. Kabtan u dhashay dalka Taiwan oo lagu dillay xeebaha Somaliya iyo Taiwan oo cambaareen u jeedisay Maraykanka
  4. Dhacdo layaab leh oo ka dhacday wadanka Maraykanka iyo shacabka Maraykanka oo hadal-haaya “Daawo Sawirada”
  5. Puntland iyo Sychelles oo gaaray heshiis ku saabsan Burcad Badeeda Soomaalida

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Ciyaarta Dibiga oo dhin ay ka soo gaarto dadka ciyaara & Iskiimoos !!!

Ciyaarta Dibiga oo dhin ay ka soo gaarto dadka ciyaara & Iskiimoos !!!

Ciyaarta Dibigi ayaa ka mid ah ciyaaraha loogu jeceel badanyahay aduunka gaar ahaan wadamada Yurubta iyo waliba Laataan Ameerica oo ay tahay ciyaar aad...
Ikraan Caraale ” waxaan jeclahay raga qaada Jiimka”

Ikraan Caraale ” waxaan jeclahay raga qaada Jiimka”

Inta badan aduunka aan ku noolnahay haatan waxaa ka jira dagaal dhanka jirka ah kaa oo ugu danbeyntii si aan caadi aheyn dhaqan u noqday ragga aduunka...
Waalidiin qir iyo qar ka joogga wiil yar oo ay dhalleen “Daawo Sawirada”

Waalidiin qir iyo qar ka joogga wiil yar oo ay dhalleen “Daawo Sawirada”

Lamaane u dhashay dalka Shiinaha ayaa waxay qaati ka taagan yihiin wiil yar oo ay dhalleen, kadib markii ay soo wajahday cayil aad u baahsan, taasoo ay...
Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda London ee dalka Ingiriiska (Dhacdo Naxdin Leh)

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda London ee dalka Ingiriiska (Dhacdo Naxdin Leh)

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee London, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane Somaliyadeed oo in mudo ah wada-socday, welibana isguursaday. Wiilka...
Tuulo ku taala Pakistan Oo Hilib ku filan Ilaahay uu siiyay !!!!

Tuulo ku taala Pakistan Oo Hilib ku filan Ilaahay uu siiyay !!!!

Ilaahay isaga ayaa arzaaqo Aadmiga waxa uuna ku arzaaqaa ma uu siiyaa waxa uu doono isagoon cidna kala tashan waxa uu siinayo Adoomadiisa cid kale oo koonkaan...