Burcadbadeed Soomaali ah oo sheegay in ay dilayaan Muwaadin American ah

Published on Jan 27 2012 By: Adam Abdi //  651 views  // Wararka Somalia


Burcad badeed Somali ah oo gacanta ku haysa muwaadin u dhashay dalka Maraykanka ayaa ku hanjabay inay dilayaan hadii aan la siinin lacago fara badan oo madax furasho ah.

Burcad badeedan ayaa sheegay in maraykanku uu qaaday talaabo balse ay aygu qaadayaan talaabo midaa la mid ah hadii ay dareemaan qorsho ka dhan ah burcad badeedda.

Nin magaciisa ku sheegay hassan abdi oo ka tirsan raga gacanta ku haya muwaadinkan maraykanka ah oo lagu magacaabo.
Michael Scott Moore oo laga soo afduubtay magaalada Galkacyo ayaa wakaaladda wararka ee AP waxa uu u sheegay in go’aankoodu uu yahay in muwaadinkaassi ay muwaadinkaasi ay isla dhintaan hadii maraykanku uu howlgal sameeyo ama inay helaan lacago madax furasho ah.

Maraykanku waa ay ku adagtahay in muwaadinkiisan uu soo furto waayo waxaan badalnay taktikadeena.
“Go’aanka aan qaadanay waa inaan si wadajir ah aan u wada dhimanaa ama inaan helnaa lacago badan marnaba laga yaabo inaa soo dayno ilaa iyo inta aan ka helayno lacag madax furasho ah”ayuu Hassan Abdi u sheegay wakaaladda wararka ee AP

Michael Scott Moore

La haystahan oo u dhashay dalka maraykanka ayaa sida xog dheeraad ah oo laga helay ay tilmaamayaan inuu yahay nin qoraa ah xiligana ku guda jiray diyaarinta xog ku saabsan burcad badeedda somalida ah iyo sida ay u howlgalaan.
Kooxo hubaysan oo la aaminsanyahay inay burcad badeed yihiin ayaa magaalada Galkacyo waxa ay todobaadkii tagay ay ka afduubteen muwaadinkan.

Waxana dhanka kale afhayeenad u hadashay waaxda arimaha dibadda dalka maraykanka oo lagu magacaabo fiktooriya noland ay sheegtay inay maqleen afduubka muwaadinkan islamarkaana ay la soo xiriireen eheladiisa ayna isku dayayaan raadinta xog ku saabsan goobta lagu haayo.

Dhanka kale kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa maanta kooxo kale oo hubaysan waxa ay ku laysay Degmadda Xardheere waxaana ku geeriyooday weerarkaasi burcadbadeedu ay qaadeen ilaa 2 ruux halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen waxaana dadkaasi dhaawacmay la geeyay Cusbitaal ku yaala Magaalada Hobyo.

Related posts:

  1. Burcadbadeed Soomaali ah oo sii daayay ilaa dhowr Markab oo ay heysteen
  2. Ciidmada amaanka Kenya oo sii daayay 4-muwaadin oo Soomaali ah.
  3. Muwaadin Soomaali ah oo ay dilleen ciidamadda Koonfurta Sudan
  4. Cabdi Raxmaan Raabi oo sheegay in muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay Koonfur Afrika
  5. Dowlada Pakistan & Onteroll oo isku garabsanaya Burcadbadeed

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter!


Feed!

Dhacdooyinka Caalamka

Ciyaarta Dibiga oo dhin ay ka soo gaarto dadka ciyaara & Iskiimoos !!!

Ciyaarta Dibiga oo dhin ay ka soo gaarto dadka ciyaara & Iskiimoos !!!

Ciyaarta Dibigi ayaa ka mid ah ciyaaraha loogu jeceel badanyahay aduunka gaar ahaan wadamada Yurubta iyo waliba Laataan Ameerica oo ay tahay ciyaar aad...
Ikraan Caraale ” waxaan jeclahay raga qaada Jiimka”

Ikraan Caraale ” waxaan jeclahay raga qaada Jiimka”

Inta badan aduunka aan ku noolnahay haatan waxaa ka jira dagaal dhanka jirka ah kaa oo ugu danbeyntii si aan caadi aheyn dhaqan u noqday ragga aduunka...
Waalidiin qir iyo qar ka joogga wiil yar oo ay dhalleen “Daawo Sawirada”

Waalidiin qir iyo qar ka joogga wiil yar oo ay dhalleen “Daawo Sawirada”

Lamaane u dhashay dalka Shiinaha ayaa waxay qaati ka taagan yihiin wiil yar oo ay dhalleen, kadib markii ay soo wajahday cayil aad u baahsan, taasoo ay...
Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda London ee dalka Ingiriiska (Dhacdo Naxdin Leh)

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda London ee dalka Ingiriiska (Dhacdo Naxdin Leh)

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee London, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane Somaliyadeed oo in mudo ah wada-socday, welibana isguursaday. Wiilka...
Tuulo ku taala Pakistan Oo Hilib ku filan Ilaahay uu siiyay !!!!

Tuulo ku taala Pakistan Oo Hilib ku filan Ilaahay uu siiyay !!!!

Ilaahay isaga ayaa arzaaqo Aadmiga waxa uuna ku arzaaqaa ma uu siiyaa waxa uu doono isagoon cidna kala tashan waxa uu siinayo Adoomadiisa cid kale oo koonkaan...