By: Sabah Ali //  Jan 22 2012 at 2:05 pm //  2,013 Reads  // Fanka iyo Suugaanta

Laki Haaji Waceys oo soo saartay hees cusub oo qiso dhab ah

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Fanaanada looga haray dhinaca muujinta dareenka iyo jilniinka heesaha ay qaado ee Laki Haji Waceys ayaa haatan duubtay hees cusub oo ay xalay soo saartay, islamarkaana soo galisay Youtubeka.

Heestan ay Laki Haaji qaadeyso ayaa loogu magacaa Dareen Jaceyl mana ahan mala awaal ee waxa ay qisada heestani ku dhacaday isla abwaanka heestan sameeyay oo lagu magacaabo Maxamed Shaafi Qalbi.

Abwaanka oo ka helay jilida iyo qaabka hananka leh ee ay u samayso Laki Haji heesaheeeda ayuu go’aan ku gaaray in uu u dhiibo Laki, kaddib markii uu mudo sando ah raadinayay fanaan heestan u qaadi kara qaabka uu rabo.

Maxamed Shaafi ayaa sameeyay heestan, kaddib markii ay kala tageen xaas uu qabay, taasina ay ku beertay in uu xasuus u galo arrinkaas iyo arrin kaloo ku soo biirtay.

Abwaanka waxaa jeclayd gabadh intii uu xaaska qabay, markii ay maqashay in ay kala tageena xaaskiisa ayay u timid abwaankii oo ku tiri anigu waan ku jeclaa tan iyo markii aad xaaska lahayd ee haatan si aad ah ban kuu jeclahayee ma i guursanaysan, waxa uuna ugu jawaabay mar haddii guurkii kobaad iga xumaaday haatan kuma deg degayo guur kale walaale.

Gabadhii jeclayd abwaanka waxa ay la kulantay dhib iyo tiraanyo jaceyl oo ay kala kulantay jawabaatii abwaanka.
Halka abwaankuna uu jaceyl daran u hayay xaaskiisa iyo nolashiisi hore, taasina waxa ay keentay in abwaanku uu sameeyo hees labo bogg ka kooban oo midba uu ku saabsan yahay gabadha jecel iyo tii ay kala tageen.

Heesta ayaa ah mid wax wayn tusinaysa labada qof ee ay ku socoto, waana mid ka hadlaysa sheeko jirta oo isla abwaanka ku dhacaday, waxaana ku luuqeynaysa fanaanada caanka ah ee Laki Haaji Waceys oo degan dalka Holland.

Miraha heestan iyo laxankaba waxaa iska leh abwaankan Maxamed Shaafi Qalbi musikadana waxaa u garaacaya Cartan Cagacade, waana codkii Laki Haaji Waceys iyo Duubistii Sterio Weerow ee dalka Nederland.

Halkan ka daawo heesta oo muuqaal ah

Qore by Mohamed Ali Abdi (Royter)
Tierp, Uppsala Sweden


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments