By: Mastar //  Jan 19 2012 at 4:32 pm //  1,721 Reads  // Wararka Somalia

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo culus oo maanta dhex maray Ciidamadda Dowladda Somaliya iyo Xarakada Al Shabaab

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dagaalo xoogan ayay maanta iskaga horyimaadeen Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Al Shabaab,kadib markii dagaalo xoogan ay soo qaadeen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab.

Dagaaladaan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen ayaa waxay ka dhaceen Saldhiga Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, waxaana hubka cul culus laga maqlaayay qeybo ka mid ah Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Dagaalada dhex maray labada dhinac oo geystay khasaarooyin kala duwan, ayaa waxaa la-sheegay in meydad iyo dhaawac ay labada dhinac ka kala qaateen goobihii ay dagaalada culus maanta ku dhex mareyn.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ilaa shan askari oo labada dhinac ah ay ku dhinteen dagaalada culus ee maanta labada dhinac ku dhex maray Magaaladda Muqdisho, waxaana la-sheegay inay jiraan dhaawacyo labada dhinac ah.

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Somaliya Mudane Cumar Cabdulle Jacfaan, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maanta Xoogaga Shabaab ay dagaalo xoogan ku soo qaadeen Ciidamadda Dowladda, balse wuxuu ku faanay inay khasaaro xoogan ay u geysteen Xoogaga Shabaab.

Xoogaga Shabaab oo dagaalo culus xilliyada qaarkood ka geysanaaya Magaaladda Muqdisho, ayaan weli ka hadlin dagaalada ay Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay maanta kula galleen Saldhiga Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments