Daawo Sawirada: Saraakiil ka socota Qaramada Midoobe oo maanta lagu arkay Magaaladda Baladweyne
Wefdi balaaran oo ka socda dhinaca Qaramada Midoobe ayaa waxay maanta soo gaareyn Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, waxayna saacado kadib ay dib ugu laabteen Magaaladda Naiorbi, oo ay ka yimaadeen.
Wefdigaan oo ka socday dhinaca Hay’adaha UNICEF, WFP, UNOCHA iyo UNDSS, ayaa waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan, waxayna kullan balaaran ay la-qaateen Masuuliyiinta Maamulka Dooxada Shabelle iyo Saraakiisha Ciidamadda Itoobiya ee ku sugan Magaaladda Baladweyne.
Intii aysan raggaan soo gaarin Magaaladda Baladweyne ayaa waxaa si weyn loo-adkeeyay ammaanka Magaaladda Baladweyne, waxaana suggida ammaanka ka wada qeyb qaatay Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa kale ee Soomaalida ee Baladweyne joogga.
Labada dhinac ayaa waxay shir ku yeesheen Xaruunta Hay’adda WFP ee Magaaladda Baladweyne, isla-markaana kullankaasi ayaa waxaa loo-diiday inay Saxaafadda ka soo qeyb-gash, laakiin kullanka kadib ayaa waxa Saxaafadda Magaaladda Baladweyne kula hadlay Madaxweynaha Maamulka Dooxada Shabelle Mudane C/Fataax Xasan Afrax.
Wuxuu sheegay inay ka wada hadleen arrimo la-xiriira xaaladda ammaan ee Magaaladda Baladweyne iyo sidii Hay’adaha Qaramada Midoobe ay shaqo uga bilaabi lahaayeen qeybaha kala duwan ee Maagaalada Baladweyne.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay balan-qaadeen inay suggi doonaan ammaanka Magaaladda Baladweyne, ayna gacan balaaran ka geysan doonaan Saraakiisha Hay’adaha Qaramada Midoobe, sidii ay uga hawl-gelli lahaayeen Magaaladda Baladweyne, isagoo taasina sheegay inay ka ogolaadeen.
Madaxweynaha Maamulka Dooxada Shabelle Mudane C/Fataax Xasan Afrax, ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay in goor dhaw Magaaladda Baladweyne ay soo gaari doonan wefdi caalami ah, kuwaa oo ka socda dhinaca Qaramada Midoobe.






|
|


Print
