By: Sabah Ali //  Jan 13 2012 at 7:50 am //  2,996 Reads  // Wararka Caalamka

Kenya… Gabar Aroos lagu Qasbay… Dhacdo layaab leh

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya, taasoo salka ku heysa kadib markii gabar dhigata dugsiga dhexe loo-guuriyay nin aysan dooneyn. Mudo aanan sidaasi uga sii-dheereyn ayaa lasheegay in ay gabadhii kasoo baxsatay gurigii ninkii cusbaa ee legu daray.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in gabadhii yareyd ay ku war gelisay maamulaha Iskuulkii ay dhiganeysay halka uu maamulaha durbadiiba ogeysiiyay ciidamada Booliska ee dalka Kenya.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in ay hada xabsiga dhex jiifaan dhamaan qoyskii gabadha dhalay iyo ninkii qabay. Waxaana la-sheegay gabadhii ninka lagu qasbay in ay dowladda Kenya la-wareegtay xanaaneynteeda, bacdamaa ay iskuulada wadanka Kenya caruurta ku barbaariyaan in ay yihiin kuwo madax banaan oo aysan jirin cid qasbi karta, haddii ay waalidka qasbaana ay kusoo war geliyaan saldhiga Booliska ee ugu dhaw.

Cawil Xersi oo iminka ku sugan Xerada qaxootiga ee IFO ayaa inoo xaqiiyay in ay arintani noqotay hadal haynta ugu badan gobolka waqoogi Bari ee dalka Kenya.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments