Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo dhaawac culus u geystay shakhsi caan ah
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay dhibaatooyin xoogan ay ka wadaan Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, iyagoo shacabka u geysanaaya dhibaatooyin kala duwan.
Ciidamadda Dowladda ayaa waxay xalay Magaaladda Baladweyne ay ku dhaawaceen Afyare Daahir Duurow, oo ka mid ah ganacsatada qaadka ka ganacsatada ee Magaaladda Baladweyne, wuxuuna ka mid yahay ragga sida weyn looga yaqaano Magaaladda Baladweyne.
Ciidamadda Dowladda ayaa waxaa la-sheegay inay dhac iyo dhaawacba ugu geysteen Xaafadda Buundada ee Magaaladda Baladweyne, waxayna ka qaateen lacago iyo moobeelo uu watay, isla-markaana toorey ayay dhawr jeer ku dhufteen.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dhaawaca soo gaaray Afyare Daahir Duurow uu yahay mid culus, isla-markaana waxaa la-sheegay inuu ku dhiig baxay goobtii ay dhaca iyo dhaawacaba ugu geysteen Ciidamadda Dowladda.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dhaawaca soo gaaray Afyare Daahir Duurow la-geeyay Cisbitaalka Dhexe ee Magaaladda Baladweyne, waxaana la-sheegay in dhaawaciisu uu yahay mid aad u daran.
Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay inay baaritaano xoogan ku wado Ciidamadda Dowladda ka tirsan ee dhaawaca iyo dhacaba xalay Xaafadda Buundada ee Magaaladda Baladweyne ugu geystay Afyare Daahir Duurow.
Iskusoo wada-duuboo shacabka ku dhaqan Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxay argagax xoogan ay ka muujiyeen Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Maamulka Dooxada Shabelle, ee dhibaatada ka geysanaaya Magaaladda Baladweyne.
|
|


Print
