By: Sabah Ali //  Jan 12 2012 at 1:25 pm //  2,653 Reads  // Wararka Caalamka

Dhacdo xanuun badan oo ka dhacday Muqdisho ka dib…

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii la’isku diiday lamaane Somaliyadeed oo si-cajiib ah isku bartay.

Waxayna sheekada ku bilaabaneysaa sidatan.

Waxaan ku dhashay degmada Wardhigley gaar ahaan xaafadda Geed Jaceyl,
Waxaan kamid ahaa Ardayadii lagu bilaabay Dugsiga Hoose dhexe sare ee Imaamu Shaafici, iskuulkaas ayaana kusoo dhameystay waxbarashayda ilaa heerka dugsiga Sare. Kadib waxaan kamid noqday dhalintii kubada cagta ee sida aadka ah looga yaqiinay Magaaladda Muqdisho. Maalin maal-maha kadib ah anigoo ka imid Stadium Moqdisho, xilligaas waxaan soo dhex lugeenaayey xaafadda Cali Kamiin, Nasiib wanaag waxaa arkay Bilan anigoo aanan garaneyn, Alle wuxu qadaray inaan afka la-galo misana aan ku dhaho walaaley waa oomanahay ee Biyo isii, halka ay iyana iga siisay, intii aan biyaha cabaayey ayaa waxaa i suurta gashay inaan ka qaato teleefanka gurigooda.

Xiriir fican ayaa ina dhex maray aniga iyo Bilan, kadib Bilan waxaa u soo bandhigay arrimo jaceyl, waa ay iga aqbashay. Jaceylkii aan u qabay Bilan waa uu sii xoogeystay, Bilan qudheeda waa ay i jecleyd. Xilli walbo oo aan ku ciyaaraayo garoonka Stadium Moqdisho Bilan waxay aheyd mid kasoo qeyb gasha, iyadoo ku qanacsanaan jirtay gacaliyaheeda oo ciyaaraayo.

Anagoo nolol macaan iskaga jirnay, qofba qofka kale uu ku qanacsan yahay, ayaa waxaa balan ku gaarnay inaan isguursano, bacdamaa aanu aad isku jacel nahay.
Maalin maal maha kamid ah ayaa hooyadee u sheegay inaan jeclahay gabar magaceedu yahay Bilan, hooyadee waa ay iga aqbashay, hooya-na waxay u sheegtay Aabe, Sidoo kale Aabe waa uu soo dhaweeyey jaceylkayga. Xilli ay kasoo wareegatay 3 Bilood ayaa Bilan keenay gurigayna oo ku yiilay xaafadda Geed Jaceyl, anigoo baray hooyadee.

Hooyadee ayaa waxay u sheegtay Bilan in’ay dhaweyn u imaan doonaan waalidkeeda, halka Bilan iyadoo faraxsan ay u sheegtay Aabaheyd. Odaygii marka hore wuu-farxay ileen gabadhiisu waxay u joogtaa waa guur. Dhanka kale Somali qabiil kama dhamaatee, odaygii baa-ku yiri Bilan ninka kusoo doonanaayo waa maxay Qabiilkiisa, waxay u sheegtay Qabiilka aan ka dhashay. Odaygii baa inyar yara-carooday, kuna yiri waan kasoo tashan doonaa. 1 cisho kadib isagoo aanan jawaab siinin gabadhiisa ayuu maalintii kale ku yiri Bilaney i dhageyso, ninka kusoo doonanaayo ama aad jaceshahay, Qabiilka uu dhashay iyo anaga waxaa inaga dhaxeyso waa Xabad, ee nagama dhaxeyso in gabar la’isisiiyo. hadaba reer ay xabad inaga dhaxeyso sideen gabadheeda u siiyaa. Bilan ayaa wax jawaab ah siinin Aabaheyd. Waa ay isoo wacday, waxay i sheegtay hadalkii uu Aabaheyd ku yiri. Murugo iyo Naxdin kadib, hadalkii ayaa u sheegay Hooyo iyo Aabe. Iyagoo igu qanciyey, in’ay i dooni doonaan Bilan.

2 cisho kadib Bilan ayaa la’iga doonay Aabaheyd, hase yeeshee waa uu nagu gacan seeray, wuxuu kaloo sheegay, in uu gabadhiisa siiyey Wiil uu adeer u yahay oo joogay Maraykanka.

Dhanka kale Bilan ayaa u soo bandhigay bacdamaa uu Aabaheyd iskukeen diiday inaan isla baxsano oo aan aadno, Addis Ababa ama Nairobi ama Kampala. Hase yeeshee Bilan ayaa waxay i sheegtay in’ay kasoo fikiri doonto, 25 cisho warkeeda maanan maqal arageeda iska daayee.

Anigoo yaaban oo aan ka dhamaan la’ahay fikir iyo murugo, ayaa go’aan ku gaaray inaan tago gurigii Bilan. Waan tagay balse sidee ku tagay? Waxaan ku tagay si xatooyonimo leh, waxaan arkay Bilan gabar ladhatay oo lagu magacaabo Kowsar, kowsar ayaan ku iri walaaley Bilan xagee u doonaa, waxay igu jawaabtay “Baashiyow walaalkey ayaa tahay, waan dareemi karaa dhibaatada ku heysato, balse maxaan ku sameyn karaa, Bilan maaha qof fahmi karta dhibaataada, waxaadna ogaataa Bilan in’ay aaday Abu Dubai”.

Intaas markaan maqlay ooyin iyo naxdin hor leh ayaa igu soo gudboonaatay.
Anigoo iska ooyaaya ayaa kasoo tagay Kowsar, habeenkaas waxaa dhaawac i geystay gaari Carolla ah, anigoo aanan kala garaneyn waxa aan ku sugnaa.

Ciil iyo caro fara badan kadib, waxaa arintii oo dhan u sheegay Hooyadee.
Hooyadee waxay aheyd Saxibkayga koowaad ee aan u sheegtay xaalad walbo oo aan ku suganahay, farxad ama murugo.

Hooyadee oo aad I jecleyd ayaa i soo bandhigtay laba arrimood oo kala ah,
1-Inaan Abu Dubai ku diro oo aad jaceylkaaga soo kasbato, 2-Inaan kuugu daro daro Gabar uu adeerka dhalay oo ku sugan degmada Hawl wadaag.

Hooyadey markii ay sidaasi igu tiri aad baan u farxay, durbadiiba waxaan doortay
In’ay i dirto Abu Dubai, ileen nin jaceyl ku taagan yahay baan ahayee,

3 bilood kadib waxa I suurta gashay inaan tago wadanka Emirate-ka.
Dhawr cisho markaan joogay, ayaa waxaa la’isheegay in Bilan ay aqal gashay, welibana ay guursatay wiil uu dhalay Abtigeyd.

Intaas markaan maqlay ayaa rajo dhigay, iyadoo ay igu xumaatay xaaladda.

Dhalinyaro badan oo aan isku asxaab aheyn, misa-na ku sugnaa Emirate-ka ayaa waxay igu qanciyeen inaan iska sabro, bacdamaa ay jaceylka tix gelin weyday Bilan.

Hada waxan ku suganahay Emirate-ka, waxaana joogaa ku dhawaad 8 bilood.
Bilan ayaa waxay noqotay gabadha aan ifka ugu jeclaa, ahna mida aan ifka ugu nebcahay. Baashi ayaa wuxu intaasi kusoo goobay jaceylkiisii ee uu u qaaday Bilan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments