By: Mastar //  Jan 06 2012 at 1:32 pm //  2,961 Reads  // Wararka Somalia

Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud “Barnaamij Xiiso Leh

  • Share
  • Comments
  • Print Print


1-Su’aal Sheeg naaneestii loo-aqoon jiray Salmaan Al Faarisi Rc?

1-Jawab: Waxa loo-aqoon jiray Abuu C/laahi.

2-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay C/laahi Ibnu Cumar Rc?

2-Jawab: wuxu dhashay 8 sano kahor Hijriyadda.

3-Su’aal Sheeg goorma ayuu geeriyooday C/laahi Ibnu Cumar Rc?

3-Jawab: Wuxu geeriyooday 74-tii Hijriyadda.

4-Su’aal Sheeg sanadkii uu geeriyooday Abu Hureyra Rc?

4-Jawab: Wuxu geeriyooday 57-dii Hijriyada.

5-Su’aal Sheeg goorma ayuu geeriyooday C/laahi Ibnu Mascuud Rc?

5-Jawab: Wuxu geeriyooday 32-dii Hijriyadda.

6-Su’aal Sheeg naaneestii kale ee loo-aqoon jiray Abu Jahal?

6-Jawab: Waxa loo-aqoon jiray Abal Xakam.

7-Su’aal Sheeg maxaa laga soo gaabiyey WWW?

7-Jawab: Waxa laga soo gaabiyey World Wide Web (WWW).

8-Su’aal Sheeg kumaa soo saaray World Wide Web (WWW).

8-Jawab: Waxa soo saaray Tim Berners-Lee.

9-Su’aal Sheeg goorma ayuu soo saaray World Wide Web (WWW)?

9-Jawab: Wuxu soo saaray sanadkii 1989-kii.

10-Su’aal Sheeg Tim Berners-Lee wadanka uu u dhashay?

10-Jawab: Wuxu u dhashay dalka Ingiriiska (England).

11-Su’aal Sheeg Tim Berners-Lee jaamacadii uu kasoo qalin jabiyey?

11-Jawab: Wuxu kasoo qalin jabiyey Jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska.

12-Su’aal Sheeg Tim Berner-Lee sanadkii uu jaamacadda kasoo qalin jabiyey?

12-Jawab: wuxu kasoo qalin jabiyey sanadkii 1976-kii, isagoo bartay PHYSICS.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments