By: Mastar //  Dec 28 2011 at 9:00 am //  935 Reads  // Wararka Somalia

Labaatan dhalinyaro ah oo ku geeriyootay Magaaladda Muqdisho iyo Dowladda Somaliya oo ka hadashay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Labaatan ka mid ah taageerayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu maqrinimadii xalay uu geeri nooca xamuulka ah kula rogmaday Wadada Maka Al Mukarama ee Magaaladda Muqdisho.

Dhalinyaradaan ayaa waxay qeyb galleen qeyb adag oo shalay galab ka dhaceysay Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Conis ee Magaaladda Muqdisho, isla-markaana ciyaartaasi ayaa waxay dhex mareysay Degmooyinka Wadajir iyo Yaaqshiid, waxaana si dirqi leh ku badisay Degmada Yaaqshiid.

Markii ay dib uga soo laabteen Garoonka Stadium Conis, ayaa waxay soo raaceen gaari xamuul ah oo ay markii horeba la-socdeen, hase ahaatee wuxuu kula rogmaday markii ay marayaan Wadada Maka Al Mukarama ee Magaaladda Muqdisho.

Waxaa la-xaqiijiyay markaasi inay dhinteen ilaa 7 dhalinyaro ah, halka 45 kalana ay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan, laakiin xalay marka ay saacadu ahayd 9:00 fiidnimo ee Magaaladda Muqdisho, ayaa waxay dhimashadu gaartay ilaa 14 dhalinyaro.

Maanta ayaa waxay dhimashadu sii mareysaa ilaa labaatan dhalinyaro ah, kadib markii dhaawacyo la-dhigay Cisbitaalada Banaadir iyo Madiina, ay ugu geeriyoodeen dhaawacyadii soo gaaray.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Cadow “Axmed Daaci”, ayaa wuxuu sheegay inay ka xun yihiin dhacdadaasi, isla-markaana wuxuu tacsi uu u diray dhamaan qoyskii iyo qarabaadii ay ka geeriyoodeen.

Dhacdadaan ayaa waxay saameyn xoogan ku yeelatay shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho, waxayna noqotay mid ay si weyn u hadal-hayaan dhamaanba bulshada Magaaladda Muqdisho ku dhaqan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments