Tarsan oo Nimco dareen ka dalbaday arooos!!!!
Ruux aduunyo Joogoow Maxaa Aragti Kuu laaban Mas’uul Ka Tirsan DKMG ayaa Si Dad ban Guur Uga Dalbaday Isla markaana Ku Tilmaamay Marwo In La Guursado U baahan Fanaanada Nimoc Dareen
Gudoomiyaha Gobalka Bannaadir Maxamuud Axmed (Tarsan) ayaa Si Dad ban Uga Dalbaday In ay Mar wadiisa Noqoto Fanaanada Caan ka ah ee Nimco Cabdi (Nimco Dareen)
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Ka qeyb qadanayay Barnaamijka Nasashada Jimacaha ee Ka Baxa Idaacada Ku hadasha Afka Dowlada ee Radio Muqdisho Ayaa Marka Ugu Horeysay Aad U salaamay Bahda Fanka oo dhan Qaasatan Fanaaniinta Da’da yar ee soohana qaaday Bur Bur kii Dalka Uu Tilmaamay Geesiyaal U baahan Garab Dowladana Ay qiimo gaara ay sii Doonto
Gudoomiyaha ayaa Sidoo kale Wax laga weydiiyay Fanaanka uu Aad u dhageysto Heesihiisa Waxa uuna Farta Ku Goday Fanaanada NimCO dareen isagoo si Dadban u yiri”Waa Fanaanad aad U qurux badan Cod wanaagsan Wadani ah Isla markaana Kor U Qaada Guurka iyo Qiimaha uu leeyahay Hadii aysan Marwo ahayn Walee Rag badan ayaa U diyaara…. Isla markiina Waxaa uu Gudoomiyaha Gobalka banaadir salaan gaara Hawada u mariyay Nimco Dareen Meel walba oo ay joogto
Gudoomiyaha Gobalka banaadir oo sii Wata hadalkiisa ayaa Yiri”Waxaan aad u daawadaa heesta erayadeeda ay Ka Mid Yihiin Jaceylbaa Tankii ka weyn Anigu Uma taag hayee Ku tala gal In aad Timaad Teleefoon Wax iima taree”
by: Muno Abdikadar
|
|


Print
