Shir aan caadi ahayn oo goor dhaw ka furman doono Magaaladda Muqdisho “Maxaad shirkaan kala socotaa”?
Shir aan caadi ahayn ayaa wuxuu goor dhaw uu ka furman doonaa Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, oo xaruun u ah Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa u wada fariisin doona Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Somaliya, gaar ahaan kuwii xilka ka xayuubiyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Inkastoo uu Madaxweynaha uu shalay kullan la-qaatay Xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu maanta uu kullan kale uu la-qaadan doonaa kuwii shalay ka maqnaa kullankaasi.
Labada dhinac ayaa waxaa la-sheegay inay ka wada hadli doonaan tallaabada xilka looga qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo sidii ay dib uga laaban lahaayeen tallaabadaasi.
Lama oga waxa ka soo bixi doona shirkaan oo mid balaaran ah, hadana Madaxweynaha ayaa wuxuu rajo balaaran uu ka qabaa in uu Xildhibaanada uu ku qanciyo, inay dib uga laabtaan go’aankaasi.
Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay ku adkeysanayaan inay xilka ka qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla-markaana sida ay sheegeen aysan marnaba wax taageero ah siin doonin.
|
|


Print
