Dagaalo faraha looga gubtay oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho iyo Amisom oo dagaalada lagu xanuujiyay
Dagaalo faraha looga gubtay ayaa waxay xalay ka dhaceen Magaaladda Muqdisho, iyadoo dagaalada ay ahaayeen kuwo aad u culus oo laga maqlaayay inta badan deegaanada Magaaladda Muqdisho.
Dagaaladaan oo aad u xooganaa ayaa waxay xoogoodu ka dhaceen Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, kadib markii dagaalo culus ay soo qaadeen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka.
Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo dagaalada lagu soo qaaday ayaa waxaa la-xaqiijiyay in markii hore dagaalada lagu xanuujiyay, maadaama lagu soo qaaday dagaalo qorsheysan oo dhawr dhinacba rasaasta looga soo ridaayay.
Ciidamadda Amisom ayaa waxay bilaabeen inay dagaalada u adeegsadeen hubka cul culus sida, hubka ridada dheer ee BM-ka la-yiraahdo, kaasoo xalay si weyn looga maqlaayay Magaaladda Muqdisho oo idil.
Dagaaladaan ayaa waxay khasaarooyin ka soo kala gaareyn Ciidamadda Amisom, Dowladda iyo kuwa Shabaab, inkastoo aysan ilaa iyo iminka wax faah faahin ah ka soo kala saarin dagaalada qaraar ee xalay ku dhex maray Magaaladda Muqdisho.
Laakiin cisbitaalada ku yaalla Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa la-geeyay dhaawacyo iyo meydad la-sheegay, inay u bad-naayeen Ciidamadda Dowladda iyo Amisom, halka aan la-aqoon halka la-geeyay dhaawacyada iyo meydadka ee Xoogaga Shabaab.
Iskusoo wada-duuboo dagaaladii xooganaa ee xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho, ayaa waxay baqdin xoogan ay ku reebeen shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee Magaaladda Muqdisho.
|
|


Print
