Madaxweynaha Shariif oo maanta fariin qiiro leh u diray Ciidamadda Booliska ee Dowladda Somaliya “Aqriso”
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Magaaladda Garoowe ee Xaruunta Maamul Goboleedka Puntland, ayaa wuxuu maanta fariin qiiro leh uu u diray Ciidamadda Booliska Somaliyeed.
Waxay maanta ku beegan tahay sanad guuradii 68-aad ee aas-aaska Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed, isla-markaana waxaa maanta si gaar ah uga hadlay Madaxweynaha Dowladd Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha ayaa wuxuu marka hore uu sheegay in Ciidamadda Booliska Somaliyeed ay soo mareyn marxalado kala duwan sida, marxalado wanaagsan iyo kuwa aan wanaagsaneenba.
Madaxweynaha ayaa wuxuu xusay in Ciidamadda Booliska Somaliyeed ay xilligaan ku shaqeynayaan waqti adag, iyadoo aan la-siin buu yiri biil joogto ah, hadana waxay diyaar u yihiin buu yiri inay ammaanka ka shaqeeyaan.
Shariif Sheekh Axmed oo wanaag u muujinaaya Ciidamadda Booliska Somaliyeed, ayaa wuxuu ku booriyay inay dulqaad muujiyaan, ayna ka shaqeeyaan sidii Ummada Somaliyeed ay ku helli laheyd ammaan iyo kala dambeen, loogana bixi lahaa dhibaatada baahsan ee maanta ka jirta dalka.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa wuxuu ugu dambeen uu Ciidamadda Dowladda Soomaaliya uu ku booriyay inay shacabka Somaliyeed ka ilaaliyaan, kana hortagaan kooxo gaar ah oo uu sheegay inay yihiin, kuwo dhibaatooyin badan abuuraaya.
|
|


Print
