Dowladda Somaliya oo gacanta ku soo dhigtay nin magaaladda Muqdisho ku dillay nin ganacsada ah
Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay gacanta ku soo dhigtay nin Magaaladda Muqdisho ku dillay nin rayid ah, kaasoo markii uu dillay uu isu dayay inuu ka baxsado magaaladda Muqdisho.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen nin dhalinyaro ah, oo toorey ku dillay nin ganacsada ah gudaha Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya C/Laahi Ibraahim Sahal “Gardhuub”, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ninka wax dillay ay gacanta ku soo dhigeen.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in gacan ku dhiiglaha uu dillay mid kamid ganacsatada Qaadka ku iibisa gudaha Degmada Xamar Weyne, isla-markaana wuxuu sheegay in Sharciga lagu qaadi.
Mudane Gardhuub ayaa wuxuu ku goodiyay inay suggi doonaan ammaanka Degmada Xamar Weyne, ayna ka hortaggi doonaan shakhsi walbaa oo uu sheegay, oo dhibaato ka abuuraaya amaba ka sameynaaya Degmada Xamar Weyne.
Si kastaba ha-ahaatee Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya C/Laahi Ibraahim Sahal “Gardhuub”, ayaa wuxuu ammaan uu u jeediyay shacabka ku dhaqan Degmada Xamar Weyne, oo uu sheegay inay yihiin kuwa ammaanka ka shaqeynaaya.
|
|


Print
