WAR DEG DEG: Wariye caan ah oo goor dhaw lagu dillay magaaladda Muqdisho
Waxaa goor dhaw magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho dil lama fillaan ah loo-geystay wariye caan ka ahaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, lamana oga cidda rasmiga ah ee dishay.
Allaha u naxariistee Warihii Telefishinka Horn Caple ee Magaaladda Muqdisho C/Salaan Sheekh Xasan Xiis, ayaa lagu toogtay goob aan ka fogeyn Hotel Madiina ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, oo ay gacanta ku heyso Dowladda Soomaaliya.
Wariyaha ayaa waxaa la-sheegay in rasaas looga dhuftay madaxa iyo qeybaha kale ee jirkiisa, isla-marakana kooxdii dishay ayaa waxaa la-sheegay inaanan weli gacanta lagu soo dhigin.
Maamulka Telefishinka Horn Caple ayaa waxay shaaca ka qaadeen in Cabdi Salaan Sheekh Xasan Xiis lagu toogtay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, waxayna ka muujiyeen walaac xoogan.
Arintaan ayaysan weli ka kala hadlin Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab, laakiin wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkayna dambe.
|
|


Print
