In ka badan 2,960- kun Caruur oo loogu magac daray Maaliya oo ah gabar uu dhalay Madaxweyne Obama..
War qoraal ah oo ka soo baxay goobaha caafimaadka ee dalka Mareekanka ayaa lagu sheegay in ay sii badanayaan dadka loogu magac daro magaca gabadha uu dhalay madaxweynaha dalka mareekanka Brack Obama.
waxa ayna sheegeen Dhaqaatiirta dalkaasi mareekanka in magaca MAALIYA uu haatan yahay magaca ugu badan ee loogu magac daro marka ay ku Umulaan haweenka dalkaasi Mareekanka goobaha Cusbitalada qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka.
tirada loo bixiyay magacaasi ayaa haatan lagu qiyaasayaa ilaa 2,960- kun gaar ahaan 2009/2010 taa oo haatan ka sii dhigeysa tirada guud mid sii kororta marba marka ka sii danbeysa.
waxaana jira haween badan oo ku nool dalkaasi oo iyana haatan wada sidii ay magacaaasi ugu bixin lahaayeen hadii ay dhalaan gabadho.
Dhacdaaan ayaa la sheegayaa in la yaab ay ku noqotay MAALIYA oo ah gabadha magaceeda haatan lagu dhaganyahay waxaana la sheegayaa in MAALIYA ay haatan wado qorshayaal ay ku gaarsiineyso gabadhahaasi lagu samiyay Hadiyado.
|
|


Print
