Abaan Duulaha Ciidamadda Jabuuti oo maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho iyo goobo cayiman oo uu booqan doono
Abaan Duullaha Ciidamadda Dowladda Jabuuti iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminaayo, ayaa waxay maanta soo gaareyn magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
Abaan Duullaha Ciidamadda Dowladda Jabuuti General Sakariya Sheekh Ibraahim iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminaayo, ayaa waxay maanta soo gaareyn magaaladda Muqdisho, iyadoo soo dhaweyn diiran ay u fidisay Xukuumadda Dowladda.
Abaan Duullaha ayaa waxaa loo-soo qaaday Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo uu Madaxtooyada ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Masuuliyiintaan ayaa waxaa hadda Madaxtooyada Soomaaliya uga soconaaya kullan balaaran, oo ay uga hadlayaan arrimo la-xiriira Ciidamadda Dowladda Jabuuti oo maal-mahaan la-fillaayo inay soo gaaraan magaaladda Muqdisho.
General Sakariya Sheekh Ibraahim ayaa inta uu ku sugan yahay magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu booqan doonaan xaruumaha ay deggi doonaan Ciidamadda Dowladda Jabuuti, oo dhawaan soo gaari doona magaaladda Muqdisho.
Lama oga waxa ay ka wada hadleen Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo General Sakariya Sheekh Ibraahim, laakiin Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cabdi Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”, ayaa wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan Ciidamadda Dowladda Jabuuti, haddii ayba soo gaaraan magaaladda Muqdisho.
|
|


Print
