DAAWO SAWIRADA: Xarakada Al Shabaab oo sameyneysa arin wanaagsan
Xarakada Al Shabaab oo qeyb balaaran ah dhibaatada culus ee loo-geysanaayo shacabka Somaliyeed, ayaa waxay arin wanaagsan ka sameysay Gobolada Baay iyo Bakool oo ay gacanta ku heyso.
Al Shabaab ayaa waxay gargaar balaaran ay u fidisay laba kun oo ka mid ah shacabka sida weyn leh ugu dhibaateysan Gobolada Baay iyo Bakool, isla-markaana waxay ka mid yihiin dadka u dhashay Gobolada Baay iyo Bakool.
Dadka loo-qeybiyay deeqdaan ayaa waxaa loogu qeybiyay lacagaha Zakada ah ee laga soo uruuriyay shacabka ku dhaqan Gobolada Baay iyo Bakool ee hantida heysata, sida ay sheegeen Saraakiil Al Shabaab ka tirsan.
Madax Maktabka Diiwaanka Zakawaatka ee Gobolada Baay iyo Bakool ee Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Laahi Garweyne, oo Saxaafadda kula hadlay magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay, ayaa wuxuu faah faahin uu ka bixiyay dadka ay wax u qeybiyeen.
Sheekh Garweyne ayaa wuxuu sheegay in laba kun oo ruux ay u qeybiyeen lacagaha Zakada ah, isla-markaana wuxuu sheegay inay ka soo kala uruuriyeen dadka wax heysta ee u dhashay Gobolada Baay iyo Bakool, kuna dhaqan isla Goboladaasi.
Madax Maktabka Diiwaanka Zakawaatka ee Gobolada Baay iyo Bakool ee Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Laahi Garweyne, aya wuxuu ugu dambeen uu sheegay inay sii wadi doonaan Zakada ay u qeybinayaan dadka masaakiinta ah ee dhibaateysan.







|
|


Print
