By: Ladan //  Aug 24 2010 at 6:52 pm //  347 Reads  // Wararka Somalia

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

  • Share
  • Comments
  • Print Print


M/weynaha dowladda KMG ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

M/weyne Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu ugu baaqay dhammaan hey’adaha dowladda in ay u istaagaan ka hor tagida weerarada ka imaanaya xoogaga hubeysan.

M/weynaha ayaa hadal siinayay warbaahinta waxyar ka dib markii weerar ismiidaamin ah lala beegsaday hotel ay degan yihiin xildhibaano ka tirsan dowladda KMG, waxaana weerarka ku geeriyooday 33 qof oo ay ku jiraan xildhibaano iyo saraakiil dowladda ka tirsan.

Wuxuu cambaareyn culus uu dusha ugu tuuray xoogaga dagaalada uga soo horjeeda dowladda KMG.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments