By: Mastar //  Dec 04 2011 at 7:35 am //  814 Reads  // Wararka Somalia

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo faraha looga gubtay oo ka dhacay magaaladda Muqdisho

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dagaalo xoogan ayaa waxay xalay ka dhaceen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Amisom iyo Xoogaga Shabaab oo dhinac ah.

Dagaaladaan oo kuwo xoogan ahaa ayaa waxay ka dhaceen inta u dhaxeysa Warshadii Baastada ilaa Warshadii Taraqa iyo Sigaarka ee magaaladda Muqdisho, isla-markaana dagaalada ayaa waxay gil gilleen wadada dheer ee Warshadaha.

Ciidamadda Shabaab, Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa waxay dagaalada isku adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka, iyadoo dagaalada ay qeyb ka ahaayeen hubka waaweyn oo xalay ruxay magaaladda Muqdisho.

Dagaalada ayaa waxay sababeen khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaaray Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, oo iyagu dagaalada soo qaaday.

Labada dhinac ayaa waxaa dagaalada uga dhintay in ka badan 8 askari, oo u badan Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, maadaama ay iyagu weeraro culus ku soo qaadeen Ciidamadda Dowladda iyo Amisom.

Sidoo kale dhaawacyo ka tirsan Ciidamadda Dowladda iyo Amisom, ayaa waxaa la-geeyay cisbitaalka Ciidamadda Amisom ee Xalane, halkaasoo lagu daaweynaayo dhaawacyadii soo kala gaaray.

Dagaaladaan ayaysan waxba ka soo gaarin shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho, isla-markaana majirto wax war ah oo ka soo kala baxay Dowladda, Amisom iyo Shabaab, balse wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments