By: Ladan //  Aug 19 2010 at 9:58 am //  539 Reads  // Wararka Somalia

Qunuslka Somalia ee Yemen oo ka deyriyay Xaalada qoxootida Somalia.

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Isagoo la hadlayay Qunsulka Dowlada Somalia ee dalka Yemen ayuu sheegay in xaalada Qoxootida Soomaaliyeed ay haatan tahay mid ka sii dartay taa oo uu sheegey masuulkaasi in ay tahay dadka oo aan aqoon la dhaqan ciidamada iyo wali ayadoo ay yaraatay taakuleentii la sii jiray dadkaasi mudooyinkii ugu danbeeyay.

Sdioo kale, Waxaa soo badanaya dadka doonaya in ay isku biimeeyaan safarka halista badan ee tahriibka gudaha magaalada Boosaaso kuwaa oo inta badan ka faa’ideysta xiliyada Bisha Barakeysan ee Ramadaan taa oo ay ugu xilinayaan amaanka dalkaasi oo ah qabow.

Dowlad gobleedka Puntland ayaa shaqo badan ku bixineysa ka hor tagida dadka doonaya inay ka tahriibaan deegaanada Puntland ayadoon sidaa ay tahay maalin walba ay biyaha Somalia ka talaabaan dad hor leh oo doonayaa nolol ka gadisan mida ay heystaan iyo amaan maadaama 20-sano dalka Somalia uu noqday mid aan la isku haleen karin.

Meelaha qaar ee deegaanada Puntland ayaa waxaa laga sameeyo baro la dejiyay ciidamo loogu tala galay inay wax ka qabtaan dadka tahriib doonka ah sidaa oo ay tahayna dadkaasi waa ay gudbaan intoo badan, beryahan dambe ayaa dadka tahriib doonka waxaa la soo sheegayaa in ay ku soo kordhayaan magaalo xeebeedka Boosaaso si halkaasi ay uga talaabaan dalka Yemen oo ay u sii maraan dalka Sucuudiga.

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa muujinaya dadaalo dheeraad ah sidii gebi ahaanba looga joojin lahaa deegaanada maamulkaasi in dadku ay ka tahriibaan waxaana yaraa mudooyinkii aynu soo dhaafnay dadka gaaraya Yemen ee ka talaabay Puntland waana dadaalka ay muujisay Xukuumda Faroole, waxaana dhici jiray in maalin kasta ay halkaasi dad hor leh ka talaabi jireen ayagoo nolol doon ah.

Qunsulka ayaa sheegay in dadkaasi isku soo biimeynaya biyaha Somalia ay yihiin kuwa u soo bareeray wax kasta oo kaga yimaada dalalka ay u soo safreen waxaana la sheegayaa in marka ay gaaraan dalka Sucuudiga ay halkaasi kala kulmaan dhibaatooyin iyo dadka qaarkood oo durba loogu soo celiyo dalkooda.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments